OGAYSIIS MUHIIM AH: Shabakada Laacib.net Oo Isbadalo Muhiim Ah Samaysay Iyo Tilmaamaha Ay Akhristayaashu U Baahan Yihiin In Ay Ogaadaan.

Shabakada caanka ah ee ciyaaraha Laacib.net ayaa isbadalo muhiim ah lagu samayn doonaa iyada oo si khaas ah aanu halkan akhristayaasha sharafta leh ugu soo gudbinayno tilmaamo muhiim ah oo aanu doonayno in ay si buuxda u fahmaan.

Laacib.net waa shabadii ugu horaysay ee ciyaaraha si joogto ah uga faaloota ee guud ahaan gayiga Somalidu degto laga aas aasay, waxayna waqti dheer soo ahayd ilwareedka ugu muhiimsan ee warbaahinta kale ee Somalida ee iskugu jirta kuwo qoraal ah, muqaal ah iyo waliba kuwa codka ah, taas oo sharaf wayn noo ah in doorkaas ay shabakadu u qabtay dad waynaha luuqda Soomaaliga ku hadla.

Sababta ugu wayn ee shabakada Laacib ay horumarkan ku gaadhay waxaa kow ka ah akhristayaasha sharafta leh kuwaas oo aanu markasta siino muhiimada kowaad, waana sababta aanu qormadan idiinku soo gudbinayno si aad ula socotaan isbadalka aanu samaynayno.

Muxuu Yahay Isbadalka Shabakada Laacib.net?

Isbadalka Laacib.net waxa uu noqon doonaa mid laba qaybood ah iyada oo aanu soo kordhinay qayb luuqda Ingiriisida ku bixi doonta iyo qayb kale oo ah kii aad waqtiga dheer nooga barateen ee luuqda Af-Soomaaliga ku baxayay balse qaabka ayaa noqon doona mid woxogaa sidii hore ka duwan.

Marka ugu horeeya ee aad shabakada Laacib soo booqato waxaad arki doontaa qaybta luuqada Ingiriisida ah, laakiin dhinaca sare ee shabakada waxaa saaran qayb kuu tilmaamaysa in aad doorato luuqda aad doonayso in aad wax ku akhriato.

Akhriste kastaaba waxa uu heli doonaa fursad uu ku akhrisan karo luuqda English-ka ee kuu soo hor bixi doonta ama in aad si khaas ah u doorato qaybta luuqda afkeena hooyo ee Soomaaliga. Sida aad sawirka hoose ka arki karto, laba meelood ayaad ka dooran kartaa shabakada Laacib qaybteeda Af-Somaliga ah, waana labada meelood ee calaamadsan.

Haddii aad luuqada English-ka ku fiican tahay waxaad wararka ku akhrisan kartaa isla luuqda English-ka ee marka ugu horaysaba kuu soo baxaysa. Insha Allah waxaanu rajaynaynaa in tilmaamaha sawirka sare ay ku filnaan doonaan in aad kala dooran karto haddba qaybta aad doonayso in aad wararka ka akhrisato.

Mar  labaad, saddexaad waad ku mahadsan tihiin sida wayn ee aad ugu taxantihiin shabakada Laacib.net, waxaana balan naga ah in aanu markasta u taaganahay soo tabinta warar xaqiiqo ah oo xiiso badan kuwaas oo aad kaga xaqab bixi kartaan dhacdooyinka Sportska gaar ahaan kubbada cagta.

Alla Mahad lleh

Maamulka Shabakad Laacib.net