Paulo Dybala Oo Kooxda Valencia Uga Mahad Celiyay Guuldaradii Ay Bideen Man United – Kooxdee Ayuuse Jeclaan Lahaa Wareega 16-ka?

Weeraryahanka Juventus Paulo Dybala ayaa uga mahad celiyay kooxda Valencia guuldarii ay biday dhigeeda Man United kulan ka tirsan koobka horyaalada yurub, balse kama fakarayo kooxda ay ku aadayaan wareega 16-ka.

Bianconerri ayaa la kulantay guuldaradii labaad ee wareega group-yada kadib markii ay marti u noqdeen kooxda Young Boys, fursad badan ayey qeybtii hore qasaariyeen balse laba gool ayaa loogu jawaabay ka hor inta uusan Paulo Dybala dhalin goolka calanka.

Sidoo kale Juventus ayaa laba jeer birta garaacday, goolna laga diiday iyadoo Dybala uu u noqon lahaa goolkiisii 6-aad ee koobka horyaalada yurub.

“Ma arkin goolka la diiday mar kale, balse waxa ugu muhiimsan waa inaan kaalinta 1-aad kaga soo baxnay group-ka, inkastoo aan Valencia uga mahad celinayo guuldaradii ay ku dhufteen Man United” ayuu yiri La Joya oo la hadlayay Rai Sport iyo Sky Sport Italia.

“Waxaan qasaarinay fursado badan qeybta hore oo aan hogaanka ku qaban karnay, waxeyna taasi siisay kalsooni, mar ayaan heli gaarnay laba, midna waa la diiday balse waan ka falcelinay”

“Guuldarada wey na dhaawacday, sababtoo ah waxaan halkaan u imaanay guul, balse waxey noo noqon doontaa cashar mustaqbalka”

Juventus waxey wareega 16-ka wajahi kartaa kooxaha: Atletico Madrid, Tottenham, Liverpool, Schalke, Ajax ama Lyon.

“Inaad ku guuleysato koobka horyaalada yurub, waa inaad garaacdo koox walba, sidaas darteed kama fakarayo cidda aan wajaheyno wareega 16-ka”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*