Arsenal Oo Gumaaday Nottingham Forest, Man City Oo Si Raaxo Leh U Dubatay Preston Iyo Kooxda Yar Ee Colchester Oo Tottenham Ka Cidhibtirtay Carabao Cup.

Advertisements

Waxaa la ciyaaray kulamada wareega saddexaad ee Carabao Cup iyada oo kooxda koobkan difaacanaysa ee Manchester City guul wayn ka gaadhay kooxda Preston  oo ay marti u ahayd.

Dhinaca kale kooxda Arsenal ayaa guul ka gaadhay Nottm Forest waxayna Arsenal iyo Man City ka mid noqon dooneen kooxaha wareega xiga u soo baxay.

Preston 0-3 Manchester City

Manchester City waxaa guushan ka caawiyay Raheem Sterling, Gabriel Jesus oo labadii gool ee ugu horeeyay dhaliyay halka goolka saddexaad ee Man City uu ahaa mid uu iska dhaliyay xidiga kooxda Preston ee Ledson.

Daqiiqadii 19 aad Raheem Sterling ayaa dhaliyay goolka furitaanka ee Man City laakiin Gabriel Jesus ayaa goolka labaad raaciyay daqiiqadii 35 aad waxayna labadan gool noqdeen kuwo xaalada ku xumeeyay Preston.

Laakiin daqiiqadii 42 aad xidiga kooxda Preston  ee Ledson ayaa iska dhaliyay goolka saddexaad ee ay Man City guushan sida rasmiga ah ugu xaqiijisatay.

Man City ayaa si sahlan ku soo dhaaftay wareega saddexaad ee Carabao Cup oo ay koobkiisa difaacaanyso.

Arsenal 3-0 Nottingham Forest

Arsenal ayaa si raaxo leh ku soo dhaaftay wareega saddexaad ee Carabao Cup kadib markii ay guul wayn ka gaadhay kooxda Nottingham Forest.

Gunners waxaa guushan ka caawiyay ciyaartoyda da’yarta ah ee Martinelli, Rob Holding iyo Joseph Willock kuwaas oo Unai Emery ka caawiyay in uu si walal la’aan ah ku soo dhaafay wareega saddexaad ee Carabao Cup.

Arsenal ayaa goolkeeda kowaad heshay daqiiqadii 31 aad waxaana u saxiixay da’yarka  Martinelli  laakiin Gunners ayaa waqti dheer sugtay goolkeeda labaad kaas oo uu dhaliyay Rob Holding oo garoomada ku soo laabtay kaas oo daqiiqadii 71 aad ciyaarta ka dilay Gunners.

Laakiin da’yarka  Joseph Willock ayaa Nottingham Forest goolka saddexaad ku niyad jabiyay daqiiqadii 77 aad waxayna markan Gunners si dhab ah u ogaadeen in ciyaarta lagu kala calaf qaaday.

Dhamaadkii ciyaarta waxa laba gool oo deg deg ah raacsaday R. Nelson (84) iyo Martinelli (92) kuwaas oo ciyaarta ka dhigay 5-0 ay Gunners ku xasuuqday Nottingham Forest.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 5-0 ay Arsenal ku burburisay kooxda Nottingham Forest.

Colchester United 0-0 Tottenham (Rekoodhayaal 4-3)

Musiibada xili ciyaareedkan ee kooxda Tottenham ayaa halkeeda ka sii socotay kadib markii ay Spurs guuldaro rekoodhayaal ah kala kulmeen kooxda heerka hoose ee Colchester United iyada oo Christian Eriksen uu ka mid ahaa xidigaha rekoodhayaashii lumiyay.

Natiijooyinkkii Kulamadii Wareega Saddexaad ee Carabao Cup Oo Dhamaysitran

Arsenal 5-0 Nottingham Forest

Colchester 0-0 Tottenham (Colchester win on pens)

Crawley 1-1 Stoke (Crawley win on pens)

Luton 0-4 Leicester

Portsmouth 0-4 Southampton

Preston 0-3 Man City

Advertisements

Sheffield Wednesday 0-2 Everton

Watford 2-1 Swansea