Waa Maxay Sababta Ay U Aheyd In Loo Diido Goolkii Guusha Ee Pierre Emerick Aubameyang Uu U Dhaliyay Arsenal Axadii?

Advertisements

Arsenal ayaa la baxsatay guul kulankii Aston Villa inkastoo ay 10 nin ku ciyaarayeen muddo 49 daqiiqo ah laakiin hadana waxa ay seddexdooda dhibcood uga mahadcelinayaan in garsooraha uusan waxba arkin.

Ainsley Maitland-Niles ayaa casaan la siiyay iyadoo Aston Villa ay labo jeer hogaanka qabatay ka hor inta uusan Calum Chambers barbareynin ciyaarta.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa guusha u xaqiijiyay Arsenal markii uu dhaliyay laad xor ah ciyaarta oo lix daqiiqo ay ka harsan tahay, laakiin kooxda Unai Emery ayaa nasiib ku laheyd in goolka loo ogolaaday.

Sababtoo ah waxay aheyd in Aston Villa iyada loo dhigo qalad madaama ay qalad sameeyeen David Luiz iyo Chambers sida uu qabo sharciga cusub ee kubada cagta.

Sharciga cusub ee ay dejisay IFAB ayaa dhigaya in haddii ciyaartoyda kooxda weerarka ah ay in ka yar hal mitir ka soo hormaraan darbiga difaacanaya laadka xorta ah in markaas kooxda wax difaacaneysa kubada loo dhigo.

Qodobka 13aad farqadiisa 3aad ayaa u qoran: “Marka laad xor ah la tuurayo, haddii ciyaaryahan ka mid ah kooxda wax tuuraneysa uu in ka yar hal mitir ka soo hormaro darbiga wax difaacanaya oo ka kooban seddex ciyaartoy ama ka badan, markaas waxaa kubada loo dhigayaa kooxda wax difaacaneysay.”

Advertisements

Villa waxaa darbigeeda difaacayay shan ciyaaryahan iyadoo David Luiz iyo Chambers ay labaduba ka soo horeeyeen darbiga wax difaacanayay markii uu Aubameyang tuurayay laadka xorta ah.

Tyrone Mings ayaa u muuqday mid garsoore Jon Moss u sharaxaya qalad ay sameeyeen Arsenal xilli Gunners ay dabaaldegeysay laakiin garsooraha dheg uma dhigin.

3 responses to “Waa Maxay Sababta Ay U Aheyd In Loo Diido Goolkii Guusha Ee Pierre Emerick Aubameyang Uu U Dhaliyay Arsenal Axadii?”

  1. abdirisaq says:

    Taas waa aragtida laacibnet.net iyo necebka aad u qabtaan arsenal in badan ayaan aqrisan jirey webkaan waa mucaarad Arsenal

  2. Wllhi chambers uu kadambeeya goolwadaha ayuu eegaaya oo iska soo horjeedaan halka luiz uu ka cadhooday ina faawalka loo diiday oo dib buu unoqday pepe baa laadaya islaa halka chambers darbiga dabadiisa gool wadaha eegaayo

  3. Waan arkay lakiin bal fiirso kulankii
    Manchester united vs westham united
    Goolka labaada waa sidee baredrka am waxaa difacanaayo waxaa hortagan ku kale bal iskafiiri