SAADAALIN: Tababarahee La Ceyrin Doonaa Ka Hor Dhamaadka Sannadkan 2019 – Valverde Mise Solskjaer?

Advertisements

Tababarayaasha kooxaha Barcelona iyo Manchester United Ernesto Valverde iyo Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka mid ah macalimiinta u halista ugu jira la ceyriyo ka hor inta uusan dhamaanin sannadkan 2019.

Barcelon ayaa ku bilaabatay horyaalka La Liga sidii ugu xumeyd muddo 25 sannadood ah, iyagoo shan kulan oo ay ciyaareen ka helay kaliya todobo dhibcood, waligood dhibcahaan ma aysan helin waqtigaan oo kale xilli ciyaareedka tan iyo markii horyaalka La Liga uu guusha u bedelay seddex dhibcood.

Blaugrana waxaa laga dhaliyay mudadaan sagaal gool taasoo muujineysa in daafacooda uusan adkeyn. Guuldaradii ugu danbeysay waxa ay ka soo gaartay Granada Sabtidii halka ay sidoo kale habeen danbe la dheeli doonaan kooxda Villarreal horyaalka La Liga.

Dhanka kale tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa cadaadiska uu ku sii kordhay iyagoo lix kulan oo ay ciyaareen horyaalka ka heysta 8 dhibcood waxay 10 dhibcood ka danbeeyaan kooxda horyaalka hogaamineysa ee Liverpool.

Kulankii ay West Ham shalay kula ciyaareen garoonka London Stadium ayaa lagu soo garaacay natiijo 2-0 ah.

Tan iyo markii uu Ole Gunnar Solskjaer uu shaqada tababare si joogta ah u la wareegay bishii Maarso, wax isbedel weyn ah kuma dhicin kooxda iyadoo tababarihii la ceyriyay bishii December Jose Mourinho uu qiray inuusan wax isbedel ah ka arkin kooxdiisa hore.

Dhibcaha ay Man United heshay marka laga soo xisaabiyo bishii March waxa ay miiska kala sareynta ka geli laheyd kaalinat 13aad taasoo walwalkeeda leh.

Advertisements

Hadaba labadaan tababare midkee qarka u saaran inuu shaqadiisa waayo ka hor dhamaadka sannadkan 2019. Ka qeyb qaado codbixinta hoose islamarkaana fekerkaaga hoos inoogu soo qor.