LA OGAADAY: Real Madrid Oo Afar Xiddig Ku Leh & Barcelona Oo Labo Ku Yeelaneysa Shaxda Kooxda Sannadka Ee FIFPro World XI

Advertisements

Xaflada abaalmarinta The Best FIFA Football Awards ayaa caawa lagu maqanayaa magaalada Milan.

Xiddigaha kubada cagta ee rag iyo dumar ayaa lagu maamuusi doonaa xaflada kuwaasoo wacdarro dhigay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Waxaa jira sagaal abaalmarin oo la bixin doono oo ay ka mid yihiin xiddiga ugu fiican, tababaraha ugu fiican iyo dabcan goolka ugu fiican sannadka.

Sannadkan waxaa sidoo kale la bixin doonaa abaalmaringa goolyaha sannadka, shaxda sannadka ee raga iyo dumarka.

Taageerayaasha ayaa mar walba ku farxa inay arkaan 11ka xiddig ee ka soo dhex baxa 55ta ciyaaryahan ee u tartameysa shaxda kooxda sannadka adduunka.

Shaxda kooxda sannadka waxaa la xaqiijin doonaa caawa laakiin wargeyska Isbaanishka ee AS ayaa sheegaya waxyaabo lama filaan ah in la arki doono.

Real Madrid ayay sheegeen inay afar xiddig ku yeelan doonto shaxda marka loo eego Barcelona oo labo ku yeelan doonta.

Sida AS ay sheegtay Marcelo, Sergio Ramos, Luka Modric iyo Eden Hazard ayaa lagu soo dari doonaa shaxda halka Barcelona ay u soo geli doonaan Lionel Messi iyo Frenkie de Jong.

Advertisements

Waxay u muuqataa arin qariib ah in Madrid ay xiddigo badan ku lahaaneyso shaxda marka loo eego kooxda ay xafiiltamaan kuwaasoo La Liga ku guuleystay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Inkastoo aan weli la xaqiijinin seddexda nin ee u shaxaran abaalmarinta xiddiga sannadka ee Messi, Cristiano Ronaldo iyo Virgil van Dijk ayaa iyagana la filayaa inay ka soo muuqdaan shaxda kooxda sannadka.