Fariin Seddex Erey Ah Oo Uu Aubameyang U Diray Jamaahiirta Arsenal Ka Dib Guushii Uu Shalay Ku Hogaamiyay Gunners

Advertisements

Pierre Emerick-Aubameyang ayaa warar ereyo uu ku qeexo guushii Arsenal ka dib guushii uu ku hogaamiyay Gunners ee Aston Villa.

Gunners ayaa 3-2 kaga badisay kooxda ka soo dalacday horyaalka heerka labaad xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ka dib laad xor ah uu waqtigii dhamaadka ciyaarta dhaliyay Aubameyang.

Callum Chamber ayaa u barbareeyay kooxda Waqooyiga Lonodn iyadoo ciyaarta ay sagaal daqiiqadood ka harsan tahay.

Laakiin Aubameyang ayaa ahaa geesiga Emirates isagoo ka farxiyay jamaahiirta Arsenal markii uu shabaqa dhex dhigay laad xor ah daqiiqadii 84aad.

Guushaas ayaana keentay in Arsenal ay soo gasho kaalinta afaraad iyagoo labo dhibcood ka danbeeya kooxda kaalinta labaad ee Manchester City.

Goolkaas uu dhaliyay ayuu hadal u waayay Aubameyang markii uu sawirada soo dhigay Instagram taasoo keentay inuu soo qoro: “Ereyo looma baahna.”

Goolkii ugu danbeeyay ee uu Aubameyang dhaliyay ayaa ahaa kii 48aad ee uu u saxiixay Arsenal 72 kulan uu u saftay tan iyo markii uu uga soo biiray Borussia Dortmund bishii Janaayo 2018.

Advertisements

Chambers ayaa ugu baaqay xiddigaha Arsenal inay culeyska ka yaraan xiddiga reer Gabon.

“Dabcan” ayuu ku jawaabay Chambers markii la weydiiyay in Arsenal ay ka warqabtay inaysan mar walba ku tiirsanaan karin Aubameyang.

Comments are closed.