Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Liverpool Garaacday Chelsea Iyo Kulankii Ay Arsenal Guusha Soo Laabashada Sameysay – Xiddigihii Wacdaraha Dhigay Kulamadaan

Advertisements

Liverpool ayaa badisay kulankii lixaad ee isku xiga ee horyaalka Premier League ka dib markii ay 2-1 kaga badiyeen kooxda Chelsea oo marti loogu ahaa garoonka Stamford Bridge.

Reds ayaa shan dhibcood ku qabatay mar kale hogaanka horyaalka iyagoo leh 18 dhibcood halka Man City ay leedahay 13 dhibcood.

Xiddiga Garoonka

Joel Matip (Liverpool). Daafac dhexe ayaa wacdarro u dhigay Liverpool iyadoo Chelsea ay cadaadis xoogan saartay Reds qeybtii labaad ciyaarta. Waxa uu ku guuleystay kubad kasta oo madax ah oo uu ku difaacday goolka Reds.

Qiimeynta Ciyaartoyda

CHELSEA: Kepa 7, Christensen 6, Tomori 7, Azpilicueta 7, Emerson 5, Jorginho 7, Kovacic 7, Kante 8, Willian 7, Mount 6, Abraham.

Bedel: Alonso 6, Zouma 6, Batshuayi 5.

LIVERPOOL: Adrian 8, Alexander-Arnold 8, Matip 8, Van Dijk 7, Robertson 7, Henderson 7, Fabinho 7, Wijnaldum 7, Salah 6, Mane 6, Firmino 7.

Bedel: Milner 6, Lallana n/a, Gomez n/a.

Toban xiddig oo Arsenal ah ayaa soo laabasho cajiib ah sameeyay ka dib markii ay 3-2 uga badiyeen kooxda Aston Villa, iyadoo Aubameyang uu dhaliyay goolka guusha dhamaadkii ciyaarta.

Xiddiga Garoonka

Matteo Guendouzi (Arsenal). Iyadoo Arsenal ciyaaryahan uu casaan ka qaatay, Guendouzi ayaa ahaa xiddigii hore u waday kooxda oo ka danbeeyay natiijadii ay heleen. Wuxuu ku guuleystay rigoorada, waxa uu garaacay birta, waxaana uu ahaa xiddigii ugu hal abuurka badnaa. Inkastoo uu qalad ku lahaa goolkii koowaad ee Aston Villa hadana waxa uu soo bandhigay dabeecad quusasho la’aan, isagoo noqday hogaaminaya kooxda.

Qiimeynta ciyaartoyda

Arsenal: Leno 6, Maitland-Niles 4, Luiz 7, Sokratis 5, Kolasinac 6, Xhaka 5, Guendouzi 7, Ceballas 5, Pepe 6, Aubameyang 6, Saka 5.

Bedel: Chambers 6, Torreira 6, Willock 5.

Advertisements

Aston Villa: Heaton 6, Guilbert 7, Engels 4, Mings 6, Taylor 6, Nakamba 7, McGinn 7, Grealish 7, El Ghazi 6, Trezeguet 6, Wesley 6.

Bedel: Elmohamady 5, Hourihane n/a, Lansbury n/a.  Daawo : Hal Arin Ayaa La Gudboon Tababare Lampard Ka Dib Guul Daraddii Liverpool

Comments are closed.