Chelsea Oo Lagu Maadeystay Ka Dib Markii Ay Boorka Eden Hazard Ku Soo Bandhigeen Stamford Bridge Ka Hor Kulanka Liverpool

Advertisements

Eden Hazard muddo ka badan seddex bilood ma uusan aheyn ciyaaryahan Chelsea, laakiin weli kama uusan go’in qalbiyada taageerayaasha ka dib markii ay soo bandhigeen boor weyn oo uu ku sawiran yahay magaciisa ku qoran yahay kulanka ay la ciyaarayaan Liverpool.

Ka hor inta uusan bilaabain kulankii Liverpool, boor weyn oo lagu maamuusayo xiddiga Real Madrid ayaa lagu soo bandhigay garoonka Stamford Bridge.

Sida ay qortay The Sun taageerayaasha Liverpool ayaa ugu jawaab celiyay iyagoo ku heesaya: “Waa maxay waxaasi?” marka loo eego in Hazard uu ka hadlay sida uu ugu faraxsanaa inuu ku biiro Real Madid bishii Juun.

Sidoo kale baraha bulshada ayaa aad looga hadal hayaa arintaan iyadoo sida ay qariib u tahay laga hadlay.

Alex oo isticmaala Twitter ayaa soo qoray: “Ma jiraa qof u sheegi kara inay la soo yara daaheen boorka Hazard?”

Klainer ayaa soo qoray: “Boorka Eden Hazard? ma idin ka dhabaa?”

Akoon taageere u ah Hazard ayaa lagu soo qoray: “Omg waxaa jiray boor Hazard ah oo la isku dhiidhiibayo Stamford Bridge, miyuu daawanayaa Hazard.”

Akoon kale oo taageere u ah Chelsea ayaa lagu soo qoray: “Waa qariib inaan maanta dooranay boorka Hazard. Wax qalad ah ma lahan inaan xusuusano ciyaartoydii hore…laakiin ciyaartoyda haatan Chelsea joogta ayaa mudan inaan taageerno maanta”

Advertisements

Myles ayaa isna yiri: “Chelsea oo soo bandhigeysa boorka Eden Hazard hahaha”

Waxaa cad in Hazard uu weli yahay xiddig laga jecel yahay Stamford Bridge inkastoo uu xagaagii u wareegay Real Madrid.

One response to “Chelsea Oo Lagu Maadeystay Ka Dib Markii Ay Boorka Eden Hazard Ku Soo Bandhigeen Stamford Bridge Ka Hor Kulanka Liverpool”

  1. Khadar deeq macalin says:

    Hazzard Wali waxaan aminsanahay inuu Ciyaariyaan Chelsia Ka tirsan yahay