FA-ga Oo Loogu Baaqay Inay Ciqaabaan Bernando Silva Ka Dib Markii Uu Cunsuriyeeyay Xiddiga Ay Isku Kooxda Yihiin Benjamin Mendy

Advertisements

Hay’ada la dagaalanta cunsuriyada kubada cagta Kick It Out ayaa si xoogan u cambaareysay sawirkii uu Bernando Silva soo dhigay Twitter ee uu ku maadeysanayay xiddiga ay isku kooxda yihiin Benjamin Mendy.

Silva oo seddexleey dhaliyay kulankii ay xasuuqeen Watford Sabtidii ayaa sawir uu daafaca bidix Benjamin Mendy caruur yahay soo dhigay bogiisa Twitter.

Xiddiga reer Portugal ayaa sawirka Mendy la barbardhigay sawirka calaamada shirkad shukulaatada sameysa oo la yiraahdo Conguitos.

Shirkadaas ayaa lagu eedeeyay inay calaamad ka dhigteen sawir kartoon canug madow oo dibno waa weyn oo casaan ah loo yeelay iyadoo shirkadaas lagu eedeeyay inay cunsuriyeeyneyso dadka madow.

Silva ayaa sawirada uu isbarbardhigayo waxa uu soo raaciyay qoraal ah: “Bal qiyaas waa kuma” waxaana uu raaciyay emoji qosol ah.

Mendy oo aan u arkin sawirka mid cunsurinimo ah ayaa u jawaabay Bernando Silva isagoo soo qoray: “1-0 ayaad igu hogaamineysaa waan arki doonaa.”

Silva ayaa eedeyn badan kala kulmay taageerayaashiisa Twitter kuwaasoo u sheegay in isbarbardhiga sawir ee uu sameeyay inay tahay cunsurinimo islamarkaana uu sawirka meesha ka qaado.

Laakiin Silva ayaa qoraal kale soo dhigay Twitter isagoo yiri: “Lama kaftami karo miyaa saaxiibkeey nimanyahow”

Laakiin maanta oo Isniin ah Kick it Out ayaa ugu baaqday xiriirka kubada cagta Ingariiska inay talaabo ka qaadaan xiddiga Manchester City

Warbixin ay soo saareen ayay ku yiraahdeen: ‘Waxaa amakaak nagu ah in qof ay ku dayanayaan malaayiin caruur ah inuu fahmi waayo in waxa uu soo dhigay Twitter ay yihiin cunsurinimo.

“Waxaan ogeysiinay FA-ga, waxaana aaminsanahay inuu mudan yahay in talaabo laga qaado oo lagu daro ciqaabtiisa in qasab looga dhigo inuu wax ka barto cunsuriyada.”

Xiriirka kubada cagta Ingariiska ayaa si dhow u eegaya kiiska maanta ka hor inta aysan go’aan ka gaarin haddii ay talaabo ka qaadayaan xiddiga reer Portugal.

Advertisements

Silva oo 25 sanno jir ah ayaa dhaliyay seddexleey iyadoo City ay sideed gool ku xasuuqday Watford kulankii Sabtidiika dhacay Etihad Stadium.

Mendy ayaa sidoo kale kulankaas dhaawac ka soo laabtay iyadoo kooxda Pep Guardiola ay wadada guusha ku soo noqotay ka dib guuldaradii Norwich City.