Frank Lampard Oo Daboolka Ka Qaaday Sababtii Uu Mohamed Salah Ugu Fashilmay Chelsea

Advertisements

Mohamed Salah guul kuma gaarin Chelsea sababtoo ah waxa uu tartan weyn kala kulmay inuu boos joogta ah ka helo shaxda kooxda, sida uu sheegay Frank Lampard.

Salah ayaa ayaa Blues uga soo biiray kooxda Basel sannadii 2014 laakiin waa uu ku fashilmay kooxda madaama tababare Jose Mourinho uu heysto xiddigo kale oo dhanka xulashada uga horeeyay Mohamed Salah sida Oscar, Eden Hazard, Andre Schurrle, Willian, Fernando Torres, Samuel Eto’o iyo Demba Ba.

Advertisements

Weeraryahanka ayaa amaah lagu siiyay Fiorentina ka dibna Roma kuwaasoo iibsaday sannadkii 2016, waana waqtigaas markii uu waayihisa ciyaareed kala kacay.

27 jirkaan ayaa qaab ciyaareedkii fiicnaa ee uu ku soo bandhigay Italy waxay keentay inuu heshiis 37 milyan ginni ugu wareego kooxda Premier League ee Liverpool halkaasoo uu ku dhaliyay 75 gool 112 kulan uu saftay, waxaa haatan loo arkaa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican caalamka.

Lampard ayaa muddo lix bilood ah Mohamed Salah kula ciyaaray Chelsea, waxaana uu rameynsay inay nasiibdarro ku aheyd inuusan boos joogta ah ka helin tababare Mourinho.

Lampard ayaa yiri: “Nasiibdarro ayay ku aheyd Mo, kuma uusan guuleysan halkaan laakiin guusha uu haatan gaaray isaga ayaa amaanteeda iska leh.

“Waxa uu aaday Talyaaniga ka dibna waa uu soo laabtay, haatana waa xiddig weyn.

“Wadadii maray waa ay adag tahay in isbarbardhig lagu sameeyo sida uu noqon lahaa haddii uu sii joogi lahaa halkaan. Tayadiisa dabcan waa ay muuqatay waqtigaas.

“Waqtigaas waxaan heysanay ciyaartoy badan oo weerarka ah.

“Waxaa inoo joogay ciyaartoy No.10 ah, kuwa garbaha ka dheela, ma uusan helin fursado badan sabab kasta oo ay ahaataba, laakiin tayadiisa waa ay muuqatay.

“Laakiin ciyaaryahanka uu haatan yahay ama xiddigii ku laabtay Liverpool waxaan qabaa in amaanteeda uu isaga mudan yahay.

“Uma baahnid inaad meel kale ka baarto kaliya waxaad eegta Mo shaqsi ahaantiisa.

“Xirfadlenimadii iyo shaqadada adag uu soo bandhigay ayaa wax walba ku sheegeysa, ma ahan wax sahlan in laga tago Chelsea.

“Dadku dhinac ayay ku riixi karaan, waxayna ku dhihi karaan kuma guuleysaneysid halkaan. Laakiin haatan waa xiddig weyn, waxaana amaanteeda isaga leh Mo.”

Salah ayaa wajihi doona kooxdiisa hore marka ay Liverpool caawa fiidkii booqato kooxda Chelsea oo marti loogu yaahy Stamford Bridge.

2 responses to “Frank Lampard Oo Daboolka Ka Qaaday Sababtii Uu Mohamed Salah Ugu Fashilmay Chelsea”

  1. Mahamed shube says:

    Runtii maxammed Salah wuu dalaalay inuu xidiga aduunka ugufiican noqdana waan urajaynayaa

  2. suhayb nimcan says:

    maxamed salah horumar urajaynayaa markasta iyo guulo badan

    mhdsanthin lacib.net