Hordhac: Sevilla vs Real Madrid – Miyuu Lopetegui Ka Aargudan Doonaa Los Blancos Caawa? – Shaxda Macquulka, Saadaasha Iyo Xogta Kulanka

Advertisements

Julen Lopetegui ka horimaanaya kooxdii laga soo ceyriyay ee Real Madrid maanta iyadoo Sevilla ay martigelineysa kooxda Los Blancos kulanka ugu adag isbuucaan horyaalka La Liga.

Real Madrid ayaa guuldarro weyn ay ka soo gaartay Paris Saint-Germain bartamihii isbuuca waxaana ay u safrayaan kooxda Ramon Sanchez-Pizjuan oo hogaanka 10 dhibcood kula heysa Granada iyo Atletico Madrid inkastoo haddii Sevilla ay barbaro gasho ama ay badiso ay hogaanka keli ku noqon doonto

.

Lopetegui ayaa kaliya afar bilood iyo bar tababare ka ahaa Santiago Bernabeu waana la ceyriyay ka dib markii uu kooxda ku hogaamiyay bilowgoodii ugu xumaa tan iyo xilli ciyaareedkii 2001-02.

Wuxuu caawa fursad u heystaa inuu ka aarguto kooxdiisa hore isagoo sii xoojinaya rajada horyaalkii seddexaad ee Sevilla.

  • Sevilla vs Real Madrid

  • LaLiga 2019-20

  • Garoonka: Ramon Sanchez Pizjuan Stadium

  • Taariikhda: Axada, 22ka September, 2019

  • Waqtiga: 10pm Saacada Geeska Afrika

Dhaawacyada

Real Madrid waxaa tababarka ugu soo laabtay xiddiga khadka dhexe Valverde halka Modric, Isco iyo Marcelona ay weli ka soo kabsanayaan dhaawacyadii ay qabeen.

Marco Asensio ayaa ah xiddig dhaawac muddo dheer uga maqan Real Madrid.

Shaxda Macquulka Ah:

Real Madrid: Courtois, Carvajal, Varane, Ramos, Mendy, Casemiro, Kroos, James, Bale, Hazard, Benzema.

Advertisements

Sevilla: Vaclik, Navas, Carriço, Reguilon, Fernando, Banega, Jordan, Ocampos, Munir, De Jong.

Saadaasha: Sevilla 2-1 Real Madrid

Lopetegui waa uu awoodaa inuu aarguto caawa sida ay Sevilla u ciyaareyso xilli ciyaareedkan iyo sida ay uga daba timid kooxaha ugu tunka weyn ee horyaalka. Sevilla waxaa laga dhaliyay kaliya hal gool xilli ciyaareedkan halka Los Blancos laga xareeyay lix gool.