Hordhac: Chelsea vs Liverpool – Miyay Reds Badin Doontaa Kulankii Lixaad Ee Isku Xiga? – Shaxda Macquulka Ah, Saadaasha Iyo Xogta Kulanka

Advertisements

Chelsea ayaa wajaheysa tijaabo kale oo adag oo la xiriirta inay ku dhameysan karaan afarta sarre marka ay caawa garoonka Stamford Bridge ku soo dhaweeyaan kooxda hogaanka heysa ee Liverpool.

Guul weyn oo ay ka soo gaareen Wolves kulankoodii ugu danbeeyay ee Premier League ayaa niyada u dhisay kooxda Frank Lampard laakiin guuldaradii ka soo gaartay Valencia bartamihii isbuuca ayaa dib u dishay kalsoonidooda.

Dhanka kale Liverpool ayaa soo wada badisay dhamaan shantii kulan ee ay ciyaareen horyaalka, waxaana ay hogaanka ku hayaan labo dhibcood, iyagoo rajeynaya inay guul weyn ka gaaraan Blues.

Laakiin Reds waxaa iyagana bartamihii isbuuca soo garaacday Napoli kulankii Champions League, waxayna raadinayaa qaab ciyaareed ay dib ugu dhisaan kalsoonidooda.

  • Chelsea vs Liverpool

  • Premier League 2019-20

  • Garoonka: Stamford Bridge

  • Taariikhda: Axada 22ka September, 2019

  • Waqtiga: 6.30pm Saacada Geeska Afrika

Warka labada kooxood

Xiddiga Chelsea Mason Mount ayaa wajahaya baaritaan xilli danbe ah ka dib dhaawac canqowga ka soo gaaray kulankii Champions League ee bartamihii isbuuca.

N’Golo Kante ayaa u tartamaya inuu ku soo bilowdo ka dib markii uu tababarka ku soo laabtay halka Emerson Palmieri uu shaki ku jiro mar kale.

Divock Origi uma badna inuu ciyaari karo sida uu sheegay tababaraha Reds Jurgen Klopp madaama uu dhaawac ka qabo canqowga.

Naby Keita ayaa ku soo laabtay tababarka buuxa halka goolhaye Alisson iyo daafaca Nathaniel Clyne ay labaduba dhaawac ku maqan yihiin.

Shaxda Macquulka Ah

Chelsea XI: Kepa, Azpilicueta, Tomori, Christensen, Azpilicueta; Jorginho, Kante, Kovacic; Willian, Abraham, Pulisic

Liverpool XI: Adrian, Alexander-Arnold, Matip, Van Dijk, Robertson; Henderson, Fabinho, Wijnaldum, Salah, Firmino, Mane

Advertisements

Saadaasha: Chelsea 0-2 Liverpool

Liverpool waxa ay ku jirtaa qaab ciyaareed aad u fiican waqti xaadirkaan, waxaana ay cadaadis weyn saari kartaa Chelsea kuwaasoo guul weyn ka soo gaaray Wolves kulankoodii ugu danbeeyay.

Roberto Firmino iyo Sadio Mane waxa ay ku jiraan qaab ciyaareedkoodii ugu fiicnaa, waxaana saadaasha ay tahay inay Reds ku hogaamin karaan guul ay isku ilowsiiyaan guuldaradii Napoli ee Champions League.

52 responses to “Hordhac: Chelsea vs Liverpool – Miyay Reds Badin Doontaa Kulankii Lixaad Ee Isku Xiga? – Shaxda Macquulka Ah, Saadaasha Iyo Xogta Kulanka”

  1. Abdirahman says:

    Kulanka maanta
    Liverpool 3
    Chealsea 1
    Sadashayda

    • Ahmed Omar ź says:

      Waxaa badindoonto Naadiga kubadda cagta Liverpool insha allah

  2. Hadaa fakirkeyga ka dhiibto ciyaarta adag ee galabta laciyaarayo runtii waaa ciyaar labada sugayo wexaana adkaandoonto chelsea 2_1 liverpool

    • Magaca waa adan ayanle says:

      Chelsea 1 Liverpool 3

    • Abdlla Ahmed says:

      Chelsea 2 liverpool 1

  3. SaDaasheyda
    Chelsea 1
    Liverpool 2

    • Yunis omar says:

      INSHA Allah waxan guul weyn rajaynaya Liverpool 4:0

  4. Sadasheydu waa chelsea 1 0 liferbool

  5. Sama wade says:

    Chelsea 3 liverpool 1

    • Abdirahman says:

      Hadaan fikirkayga ka dhiibto ciyaarta galabta oo adag waxa ey ku dhamaan doonto natiijada waa saidaan Chelsea oo aadsi weyn samaydoonaan = = Chelsea Fc 3–0 liverpol

  6. Abdullahi Mohamed Abdirahman says:

    waxaan isleeyahay awoodda liverpool marki loo barbardhigo tan chelsea aad ayey usareysaa balse wax walbo waa ka suurta gal kubadda cagta aragtidaydana waxaan isleeyahay liverpool ayey guusha raaceysaa

    • Liverpool 6 Chelsea 1

      • Saadaq indhacade says:

        Lfc ayaa badin doonto chelsea vz lfc 1 ;6 waa in city argagax ku ridno viiva lfc ynwa

        • Omar adan says:

          Waxan ahay qabiir ku taqususay sadalinta waxanan rajaynaya inay 3 2 chelsea kupadin doonto

  7. Bashirsheikahmed says:

    Inshalaah waxaan guul urajaynayaa kooxda liverpool 3 vs clelsea 1 waa ciyaar aad umacaan oo lawadasugayo aniga fikirkaygana waxaan guul urajaynayaa liverpool inshalaah

  8. Alibashir says:

    saadaasheydu waa
    chelsea 2
    liverpool 1

  9. Cumar yare says:

    Waa ciyaar adag oolawada sugayo waxanan rajaynayaa chelsea 2 liverbool 1 ay kudhamaato

  10. Liverpool 6 Chelsea 1

    • Abdirahman says:

      Kulanka manta waxan rajaynayaa guuul weyn oo liverpool gaarto Chelsea 1- liverpool 5

      • ahmed omar says:

        its my prediction liverpool beat Chelsea liver 4:1 chelsea

  11. chalsea 3 0 liverpool guul chelsea

  12. Ustaad Ahmad says:

    Saadaasha kulanka adag ee Chelsea iyo Liverpool waxaan dhihi lahaa oo aan guusha siinayaa kooxda caanka ah ee Chelsea oo ku badin doonta Chelsea 2-1 Liverpool inshallah

  13. abdirizaaq says:

    waxaan usalalina in e chalsea 2 0 liverpool

  14. Chelsea 1_0 Liverpool guul jelsea maanyaa

  15. gure dhamoole says:

    Asc bahda lacibnet markaan fikirgayga ka dhiibto ciyaartan waxay ku dhamaan kartaa bareejo 2-2 ah

  16. chelsea 4 liverpol 1

  17. Chelsea 2 1 Liverpool insha allah

  18. Chelsea 3-1 liverpool insha alaah

  19. Cabdullahi says:

    Chelsea 6 – Liverpool 2

  20. Dabacadeeye says:

    Chelsea 6- Liverpool3

    • Shaaciye diirshe abdule says:

      Fakar hadaan ka dhiibto

      Waxaa 02 ku badin karta Chelsea
      Halka Liverpool ay guul daro soo gaartay

  21. Abdiasiis mohamed says:

    Aragtidayda Waxan isleeyahay
    Chelsea Iskama caabinkarto
    Awooda livepool
    Saadaashayda
    Liverpool 1 0 chelsea

  22. Dawga ay city martay mid lamida ayaan mari doona oo chelsea 8 gool wax ka yar naga filan mayso Hadaan la saayirnana 6 ama 7 ayaan ku firdhinaynaa 😀😀

  23. Kalid Abdulahi says:

    LIVERPOOL 4 chelsea 1

  24. South africa says:

    Wixii hore bikh somaliweyn asc magacyu waa mustafkiiko saadashu waa chelsea 2:Liverpool 0

  25. Abdinasir says:

    runtii tani waa kubada cagta wax waliba way ka suurtoobaan lkn waxaa wax lagu qiimeeyaa labada kooxood tee baa wakhti wacan ku jirta tee baase liidata waa sida la eego marka la doonayo in wax la saadaaliyo xaqiiq waa kulan adag kooxna uma fududa lkn aniga ra igayga kuma darayo goolasha balse kooxda ay guushu raacayso
    uun baan sheegayaa waana liverpool waa saadaashayda

  26. Abdirashid says:

    Waxaan qabaa in chelsea guul gaari kartoh waa hadii lampard uu ciyoortoy khibrad leh kula ciyaaro hadii se yaryarkii kula ciyaaro waa 6:0 iyo wax la jiraha lagaga badin walipa garoonkooga

  27. Wxn qabaa in Blues iska dhicin Donto reds Kubda cgtana waa bar madow iyo mid cad Sdasheydana was
    Chelsea 2 – 1 Liverpool Comn Chelsea

  28. Omar Mohamed Nunow says:

    aniga kuma dhahaayo halahaas oo gool ayay kubadinee liverpool lkn i hope in ay liverpool guulaysanayso insha allah

  29. mohamed Ali says:

    waxaan taagerraa arsenal laakiin liverpool waalaga badinayaa waliba 3/1

  30. Eng cumar says:

    Waxaan guul wayn urajaynayaa LIVERPOOL 6-1 CHELSEA

  31. waa ciyaar adag aan ka war sugno

  32. Abdala Ahmed says:

    Waxabadin donto Chelsea 3

  33. Cabdi qani ibrahim says:

    Waxan rajaynaya inay
    Liverpol badin donto.
    Chelsea 1 vs liverpol 2

  34. aragtidayda waxa ay ku dhaman doontaa

    chelsea 1-3 liverpool

  35. Abdalla Mohammed abdalla says:

    Liverpool 4 chelsea 1

  36. Khadar saxardid says:

    Waxa badintoonta Liverpool 3 Chelsea 1 Insha allah

  37. insha Allah chelsee 3 liverpool 2
    Guul Chelsea

  38. Khalid Harun says:

    Saadaashayda
    CHELSEA 2:0 Liverpool

  39. Hassan awil says:

    Chelsea3:liverpool1

  40. Abdullahi ok says:

    Chelsea 1 liverpol

  41. Chelsea 3:1 liverpool