Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Waji Gabaxa Kala Kulantay Granada – Waa Kuma Xiddiga Garoonka? Waase Kuwee Xiddigaha Fashilmay?

Advertisements

Barcelona ayaa markii labaad xilli ciyaareedkan la garaacay, waxay ku soo kuftay garoonka Granada kuwaasoo la wareegay hogaanka La Liga, iyadoo kooxda u soo dalacday La Liga ay ku badisay 2-0.

Miyay natiijadaan bilow u tahay dhamaadkii Ernesto Valverde ee Barcelona? Labo horyaal oo isku xiga uu qaaday ayuu Valverde xaq u helay inaan lagu ceebeynin sidii ay kooxda ku dhameysatay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Si kastaba, sida ay kooxda u ciyaareyso xilli ciyaareed iyo natiijooyinka xun waxaa sii dheer inaysan laheyn qaab ay u socoto iyo hogaamiye. Miyaa la joogaa waqtigii ay Barcelona tababaraha iska bedeli laheyd?

Xiddiga Garoonka

Antonio Puertas (Granada): Gool ma uusan dhalinin laakiin Puertas ayaa ah xiddiga dhaawaca ugu badan u geystay Barcelona. Waa orodkiisa iyo karooskiisa ee keenay goolkii furitaanka ee ay kooxda dhalisay daqiiqadii labaad. Iska ilow Luis Suarez iyo Messi, Peurtas ayaa ahaa xiddigii garoonka ka dhex muuqday.

Xiddiga fashilmay

Junior Firpo oo lagu soo bilaabay kulankaan ka dib dhaawacii Jordi Alba ayaa ku bilowday sidii ugu xumeyd waayihiisa ciyaareed, isaga ayaa dhiibtay kubada islamarkaana sibxaday ka hor inta aan la soo dhigin karooska oo shabaqa la soo taabanin, qaab ciyaareedkiisa oo aad u liitay darteed ayaa keentay in la bedelo waqtigii nasashada.

Sidoo kale waxaa qalad aheyd in Sergi Roberto lagu soo bilaabo khadka dhexe isagoo si xun u ciyaaray, waxaana isku xirmi waayay weerarka iyo khadka dhexe ee Barcelona, halka Vidal oo bedel oo ciyaarta ku soo galay uu sii dilay rajada kooxda.

Qiimeynta ciyaartoyda

Granada: Silva 7, Neva 6, Duarte 6, Sanchez 7, Diaz 5, Montoro 6, Puertas 8, Azeez, Herrera 7, Machis 6, Soldado 6.

Bedel – Fernandez 6, Vadillo 7, Gonalons 5.

Advertisements

Barcelona: Ter Stegen 5, Lenglet 5, Pique 5, Firpo 4, Semedo 5, Roberto 4, de Jong 6, Rakitic 5, Griezmann 5, Suarez 5, Perez 5.

Bedel – Vidal 4, Messi 6, Ansu 6. , Halkaan Kaga Bogo Sababihii Granada Ka Caawiyay In Ay Barcelona Garaacaan