Waa kuma Xiddiga Premier League Ee Boorso Joogta 8 Kun Doolar Ku Qaatay Abaalmarintiisa Xiddiga Garoonka?

Advertisements

Xiddiga Leciester City Ben Chilwell ayaa shaaca ka qaaday in xiddiga ay isku kooxda yihiin James Maddiosn inuu abaalmarintiinta xiddiga garoonka ku ritay boorso joogta sideed kun doolar ka dib markii uu ka caawiyay Leicester inay garaacdo Tottenham.

Maddiosn ayaa si weyn looga hadal hayaa barasha bulshada ka dib markii maanta soo xirtay boorso la isku raacay inay aad u fool xun tahay oo ay sameysay shirkada Louis Vuitton oo qiimaheeda lagu sheegay 6500 ginni ama sideed kun oo doolar.

Ka dib markii uu Maddison goolka guusha u dhaliyay kulankii ay 2-1 kaga badiyeen Spurs, Chilwell ayaa shaaca ka qaaday in Maddison uu abaalmarintiisa xiddiga garoonka ku ritay boorsada qaaliga ah ee foosha xun.

Chilwell ayaa taageerayaashiisa la wadaagay warbixin ay boorsada Maddison ka qortay jariirada The Sun waxaana uu shaaca ka qaaday in 22 jirka Maddison inuu abaalmarinta xiddiga garoonka ku qaatay boorsada la hadal hayo.

Waxaa isna jawaab ka soo bixiyay xiddigii hore ee Leicester City Harry Maguire kaasoo uga jawaab celiyay emoji qosol ah.

Advertisements

Wariyaha BBC Dan Walker ayaa markii ugu horeysay sawir ka soo qaaday Maddison oo dusha ku sita boorsada waxaana uu soo raaciyay qiimaha la iibiyo boorsada Louis Vuitton.

Wuxuu Twitter ku soo qoray: ma jeclaan laheyd boorsada Maddison? waa 6500 ginni”