10ka Xiddig Ee La Filayo Inay Wacdarro Ka Dhigaan Champions League Xilli Ciyaareedkan Oo La Shaaciyay

Advertisements

Kulamada Champions League ayaa dib ugu soo laabanaya shaashadaheena isbuucaan iyadoo kulamo waa weyn la ciyaarayo kulanka furitaanka wareega group-yada.

Paris Saint-Germain vs Real Madrid, Napoli vs Liverpool, Borussia Dortmund vs Barcelona iyo Atletico Madrid vs Juventus ay ka mid yihiin kulamada ugu xiisaha badan isbuucaan.

Xilli ciyaareed walba waxaa jira ciyaartoy isku soo saarta tartankaan oo saameyn weyn ku yeelata Champions League, xilli ciyaareedkaana waxba kama duwana.

Jariirada Daily Mail ayaa soo saartay 10 xiddig oo la filaya inay isku muujiyaan masraxa Champions League xilli ciyaareedkan.

Liiskooda waxaa u horeeya xiddiga Atletico Madrid ay la soo wareegtay xagaagii ee Joao Felix kaasoo ah xiddiga ugu qaalisan ee ciyaartoyda liiskaan ku jirta. Felix ayaa laga filanayaa inuu Atletico u buuxiyo booskii uu Griezmann ka tagay kaasoo ku biiray Barcelona.

Mashiinka goolasha Chelsea Tammy Abraham ayaa isna ka mid ah xiddigaha la filayo inay soo koraan masraxa Champions League xilli ciyaareedkan, ka dib todobo gool uu ka dhaliyay Premier League shantii kulan ee ugu horeysay xilli ciyaareedkan, waxaa 21 jirkaan laga filanaya inuu wacdarro la mid ah ka dhigo UCL.

Xiddiga Barcelona u soo baxay ee 16 sanno jir ah Ansu Fati oo maantaba qeyb ka ahaa kooxda Barcelona ee u safartay Jarmalka ka hor kulanka ay Borussia Dortmund la ciyaarayaan habeenka Talaadada ayaa isna ah xiddig isha lagu heyn doono. Labo gool ayuu La Liga ka dhaliyay seddex kulan uu ciyaaray.

Saxiixa cusub ee Real Madrid Luka Jovic oo weli saldhiganaya Santaigo Bernabeu ayaa ka mid ah xiddigaha la filayo inay xilli ciyaareedkan isa soo saaraan si la mid ah xiddiga Jarmalka u soo baxay ee Kai Havertz kaasoo wacdarro u dhigaya Bayer Leverkusen.

Lautaro Martinez ayaa isna la filayaa inuu ka soo dhex muuqdo Inter Milan halka xiddigii booska ka waayay Arsenal ee Jeff Reine-Adelaide la filayo inuu Lyon wax weyn u qabto xilli ciyaareedkan.

10ka Xiddig Ee La Filayo Inuu Wacdarro Ka Dhigaan Champions League Xilli Ciyaareedkan

Joao Felix (Atletico Madrid)

Tammy Abraham (Chelsea)

Luka Jovic (Real Madrid)

Ansu Fati (Barcelona)

Lautaro Martinez (Inter Milan)

Kai Havertz (Bayer Leverkusen)

Jeff Reine-Adelaide (Lyon)

Ferran Torres (Valencia)

Advertisements

Dani Olmo (Dinamo Zagreb)

Jacob Bruun Larsen (Borussia Dortmund)

7 responses to “10ka Xiddig Ee La Filayo Inay Wacdarro Ka Dhigaan Champions League Xilli Ciyaareedkan Oo La Shaaciyay”

  1. Ansu fati waa ciyaartoy khibrad leh waa hubaal in uu wacdaro indhaha aduunkana wansan doono ka dhigi doono UEFA champions league