Ciyaartoyda Arsenal Waxay Ku Jahwareersan Yihiin Taatikada Tababare Unai Emery

Advertisements

Weeraryahankii hore ee Arsenal Alan Smith ayaa soo jeediyay in qaar ka mid ah ciyaartoyda Gunners inay ku jahwareereen taatikada tababare Unai Emery.

Gunners ayaa shax ciyaareedyo kala duwan ku ciyaartay xilli ciyaareedkan iyadoo laga xusi karo tii lama filaanka aheyd ee dheemanka khadka dhexe ee ay ku soo shirtageen kulankii Liverpool ee ay guuldarrada 3-1 ku soo gaartay Anfield bishii la soo dhaafay.

Guuldaradaas waxaa ka horeeyay labo guul oo isku xigta oo ay ka soo kala gaareen Newcastle iyo Burnley laakiin waxay u baahdeen inay ka soo kabsadaan labo gool oo looga hormaray kulankii barbaraha ku dhamaaday ee Tottenham/

Maqaal uu Alan Smith ku qoray wargeyska Evening Standard, waxa uu Gunners la barbar dhigay qaab ciyaareedkii England ee kulankii ay 5-3 kaga badiyeen xulka Kosovo Talaadadii, markaasoo weerarkoodii fiicnaa uu hoos u dhigay daafacasho xumadooda.

“Muxuu yahay khadka dhexe ee ugu fiican ee Emery?” ayuu qoray Smith oo soo jeediyay in Emery uu wajaho dhibaato la mid ah tan macalinka England ee Gareth Southgate.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Tartanka Da'yarka Mucjisada Ah Ee Haaland Oo Adkaaday & LABA Kooxood Oo Kula Soo Biiray Tartankiisa.

“Miyuu ku adkeysanayaa seddex khadka dhexe ah mise shax ciyaareed wax yar ayuu ka bedelayaa si uu No.10 ugu soo bilaabo haddii uu ahaan lahaa Dani Ceballos ama Mesut Ozil?

“Cadeymaha la hayo ilaa iyo haatan waxay muujinayaan in isbedel loo baahan yahay. Sababtoo ah inkastoo Arsenal weerarkeeda uu fiicnaa qeybtii labaad ee kulankii Tottenha, khadka dhexe ma aysan caawin karin afarta danbe kuwaasoo u baahnaa in la caawiyo.

“Mar kasta oo Tottenham ay weerar soo qaado waxay ahaayeen kuwa halis abuuraya, boosas banaan ayay ka helayeen khadka dhexe.

“Malaha waxaa keeneysa isfaham la’aan. Waxaa xan igu soo gaartay in ciyaartoyda qaar ay ku jahwareereen taatikada tababaraha, xaqiiqdii ma garanayaan waxa uu tababaraha ka doonayo inay sameeyaan.

Advertisements

“Haddii ay taasi sax tahay, ma ahan arin fiican. In wax walba ay cad yihiin ayaa muhiim ah.”

Arsenal waxa ay wajaheysaa Watford horyaalka Premier League maalinta Axada.

9 responses to “Ciyaartoyda Arsenal Waxay Ku Jahwareersan Yihiin Taatikada Tababare Unai Emery”

  1. Khadka dhexe ee Arsenal malaha waa dhoolatus

  2. ARSENAL SHAXDEEDA RASMIGA MA AHA 4 3 3
    MANA DHEELI KARAAN
    LKN WAXAAN AAMIN SANAHAY IN AY 100% AY KU NAJAXI KARTO AWOOD BUUXDANA AY ULEEDAHAY INAY SO BANDHIGTO CAYAAR WNGSN WA SHAXDA AH 4 2 3 1

  3. Hasan kaadi xuurshe says:

    NILES SOKORATES LUIS KALASINIC

    GONDOSI XHAKHA

    PEPE OZIL OUBAMAYUNG

    LACAZADE

    • khadka dhexe waa inu ciyaara Torreira , Xhakha OZil weerarkana PEPE Oupamayung iyo Lacazette

  4. Arsenal xhakah iyo sokorates iyo nelis shaxda halagasaaro wayo qaladadkoda ad ayoo obadanyahay

  5. Dhibatada qadka dhaxe haysata waxa sababay xhaka mxa yelay maordi karo. Teda kale nales na maficno qaabka werarka u uwerartagayo.2 boosba wada kufican o kusobaxa belrn iyo Lucas inu dhelo no 6 ,8dani,10ozil.

  6. Asc sxb yaal aniga raaigey waa mid dadban waayo towbarahan wax maku bedeli karo arsenal waayo ciyaartoyda wey ka jah wareereen ok tan kaleetna shaxda arsinal waa 4.3.3 ozil lucas tarrore caplouz

  7. arsenal qatka dhexe aya kaxun wayo wuxu marwalba kursiga kayd ka dhigaa torrera iyo ozil kuwaas oo kuhaboon number 6 iyo 10

  8. Arsenal Haday Rabto inay khadka dhexe
    Xoojiso
    6 toreria Ha laga dheelsiyo
    8 Ceballos
    10 ozil

    Kolkaa Arsenal Banoonigeedu waa isku dheeli tirmaya lkn Xkha number 6 ka dheelaya Taasi waa Jahwareer toosa really