“Mohamed Salah Waa Walaalkeey, Meel Walba Uu Aaday Waan U Raacay” – Xiddig Arsenal Ah Oo Amaanay Xiddiga Liverpool

Advertisements

Xiddiga khadka dhexe ee Arsenal Mohamed Elneny ayaa ku tilmaamay Mohamed Salah walaalkiis waxaana uu ku amaanay inuu yahay mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican Premier League.

Elneny ayaa ka garab ciyaaray Salah markii ay wada joogeen kooxda Al Mokawloon ee dalka Masar ka hor inta uusan u raacin Switzerland iyagoo u dheelay kooxda Basel.

Salah ayaa ka dib u soo wareegay Premier League isagoo markii hore ku biiray Chelsea ka hor inta uusan aadin Liverpool waxaana u dhaxeysay waqti uu ku soo qaatay Italy.

Elneny ayaana mar kale u soo raacay UK isagoo u saxiixay kooxda Arsenal.

Xilli ciyaareedkan Elneny waxa uu amaah ugu ciyaarayaa kooxda Turkiga ee Besiktas, laakiin waxa ay saaxiibo dhow yihiin Salah inkastoo ay haatan ku kala nool yihiin labo wadan.

Isagoo la hadlayay wargeyska Turkiga ee Milliyet, Elneny ayaa yiri: Salah waa walaalkeey. Hal koox aan u wada ciyaarnay Masar, ka dib wuxuu aaday Basel.

“Anigana waan u raacay halkaas oo waxaan ku biiray Basel. Waqtiga intiisa badan waan isla qaadanay. Ka dib wuxuu aaday England aniga England ayaa ka soo daba aaday.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Iska Ilow Real Madrid, Pep Guardiola Oo Maanta Magacaabay Kooxdii Ugu Adkeyd Ee Uu Abid Wajaho Waayihiisa Tababarenimo

“Ma doonayo inaan iraahdo waa saaxiibkeey sababtoo ah wuu iiga dhow yahay sidaas.

Advertisements

“Qof walba ayaa ogsoon sida uu ciyaaryahan weyn u yahay. Feker ahaanteyda waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican Premier League.

“Wuuu garanayaa waxa uu rabo. Waa nin aad u caqli badan. Waxa uu arki karaa waxyaabo yaryar oo uu ku ciqaabi karo kooxda ka soo horjeeda.”

Comments are closed.