RASMI: Alexandre Lacazette Oo Ilaa Bisha October Ka Maqnaanaya Garoomada Iyo Kulamada Uu Seegi Karo Oo La Ogaaday

Advertisements

Alexandre Lacazette ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa iyo bisha October ka dib dhaawac canqowga ah oo soo gaaray.

Weraryahanka Arsesenal ayaa xanuun ku ciyaarayay isbuucyadii ugu danbeysay laakiin waxa uu haatan garoomada ka maqnaanayaa ilaa iyo bisha danbe.

Xiddiga reer France ayaa dhawaan qiimeyn lagu sameeyay canqowgiisa, waxaana lagula taliyay inuu nasto si uusan u sii xumeynin dhaawaca.

Arsenal ayaa Axada la ciyaareysa kooxda Watford iyagoo rajeynaya inay wadada guusha ku soo laabtaan ka dib barbarihii ay la galeen Tottenham ka hor kulamadii heerka caalami.

Lacazette ayaa ku soo bilowday kulankii Emirates Stadiym, waxa uu xitaa soo taabtay shabaqa iyadoo Gunners ay ka soo kabsatay labo gool oo looga hormaray.

Arsenal ma aysan sheegin taariikhda rasmiga ah ee uu Lacazette ku soo laabanayo garoomada.

Laakiin Arsenal waxa ay xiddigooda waayi doonaa kulamo muhiim ah oo ay ku jirto kulanka Europa League ee ay Khamiista soo socota la ciyaarayaan kooxda Eintracht Frankfurt.

Advertisements

Arsenal waxa ay sidoo kale bishaan September la ciyaareysaa Aston Villa oo ay gurigooda ku soo dhaweynayaan kulan ka tirsan horyaalka, halka ay Nottingham Forest ku martigelin doonaan wareega 3aad ee Carabao Cup.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Liiska Tababarayaasha U Sharaxan Shaqada Tababare Zidane Ee Real Madrid Oo La Ogaaday & Xiddig Hore Oo Si Lama Filaan Ah Loogu Arkay

Lacazette ayaana u dagaalami doona inuu taam u noqdo kulanka ay kooxda Arsenal booqaneyso Manchester United 30ka bishaan September.

One response to “RASMI: Alexandre Lacazette Oo Ilaa Bisha October Ka Maqnaanaya Garoomada Iyo Kulamada Uu Seegi Karo Oo La Ogaaday”

  1. Wepsite kan wuxuu noqday Mid Caajis Ah Ilaa Heer Aad Dhahdan warka O Dhamestiran Link gan Raac Ku Dhufo Halkaan Ano Mid Kuso Dhufsaday Ayan Warki Oo mel fican i mara Ayad link Ino sii diraysan,Taas Macnaheda Waa Inad Dantina Kaliya Fiirsanaysan oo Double Lacag Ku Rasanaysaa,qodobka la Aqrisana Haku Darina Link kale waayo waqti mahayo aan link kale ku raco waqtigayga yar waxaan raban inan ku aqristo qodobo badan markad sidas sameysan wan ka caajisa qodob kalana dib uma si foorsho,Waxaan Intaas Sii Dheer Wax Respect Ah Uma Haysan Aqristayasha Waayo Cabashada Nagama Qancisan Xataa Replay soma gashaan ma isla wayni ayay idinka tahay mase Maxaa Naga Galay Waye,Sidaas Hadaad Kusi Socotan Waxad Wayn Doontan Shacab Badan