Jose Mourinho Oo Daaha Ka Qaaday Sababta Uu Alexis Sanchez Ugu Fashilmay Manchester United

Advertisements

Jose Mourinho ayaa ku qeexay Alexis Sanchez inuu yahay nin murugeysan, iyadoo tababarihii hore ee Manchester United uu ka hadlay xiriirka kala dhaxeeyay xiddiga reer Chile.

Mourinho ayaa Sanchez kala soo wareegay Arsenal bishii Janaayo 2018 isagoo qeyb ka ahaa heshiiskii kala bedelasho ee Henrikh Mkhitaryan, laakiin waxa uu ku fashilmay Old Trafford isagoo dhaliyay kaliya shan gool 45 kulan uu saftay.

Sanchez ayaa amaah ku aaday Inter Milan xagaagan, laakiin wareysi uu siiyay The Telegraph ayuu Mourinho ku qirtay inuu awoodi waayay inuu ka soo saaro qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa.

“Sanchez …. waxaan dareemay inuusan aheyn nin faraxsan” ayuu yiri Mourinho.

“Shaqo walba haddii aadan ku faraxsaneyn uma qaban kartida sida ugu fiican. Malaha waan qaldanahay. Malaha waa aniga qofkii awoodi waayay inuu ka soo saaro qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa.

Advertisements

“Tababare ahaan mararka qaar waxaad leedahay awooda aad qaab ciyaareedka ugu fiican uga soo saari karto ciyaartoydaada, mararka qaarna waad ku guuldareysaneysaa.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Coutinho Oo Furtay Akoonkiisa Goolasha Bayern, Lewandowski Oo Rikoor Barbareeyay & Bayern Munich Oo Hogaanka Bundesliga Qabatay

“Laakiin xaqiiqda waxa ay tahay in inaan mar walba dareemayay in Sanchez uu yahay nin murugeysan. Sidaasi darteed waxay u badan tahay inuu Italy uga soo kabsan doono. Waxaan rajeynayaa inuu ka soo kabsado. Mar walba wanaag ayaan u rajeeyaa ciyaaryahan walba.”

Comments are closed.