Taageerayaasha Paris Saint-Germain oo Cunto Loogu Geynayo Kuraastooda Inta Ay Daawanayaan Kulamada Kooxdooda

Advertisements

Taageerayaasha Paris Saint-Germain ayaa awoodi doona in cunto loogu geeyo kuraasta garoonka inta ay ciyaar daawanayaan ka dib markii ay kooxda heshiis la gashay shirkada Deliveroo.

Shirkada dadka cuntada u geysa ayaa heshiis la gashay kooxda ragga iyo dumar ee Paris Saint-Germain.

Waxayna arintaan daba socotaa markii ay Deliveroo heshiis la galeen xulka qaranka England iyadoo maaliyada tababare England lagu soo qoray magacooda.

Will Shu oo ah ninka sameeyay shirkada Deliveroo ayaa yiri: “Aad ayaan ugu faaneynaa inaan taageereyno Paris Saint-Germain.

“Kooxda meel sarre ayay gaartay sannadihii ugu danbeeyay, iyagoo noqday koox laga jecel yahay dunida lana ixtiraamo.

“Si la mid ah cuntada, kubada cagta waa mid ku dhisan xamaasad.

“PSG waa koox caan ah oo ka mid ah kooxaha ugu waa weyn France iyo dunida oo dhan. Waa qoys weyn oo leh taageerayaal cajiib ah.

Advertisements

“Iyadoo Deliveroo ayaa isku baahineyso France waxaan rajeyneynaa inaan waqtiyo farxad leh la qaadano dhamaan kooxda iyo taageerayaasheeda.”

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Waa Kuwan AFARTA Daafac Dhexe Ee Uu Pep Guardiola Midkood Lasoo Saxeexan Karo January Si Uu Tartanka Horyaalka Ula Galo Liverpool.

Neymar ayaa ka mid ahaa ciyaartoyda sawirka la galay shirkada Deliveroo iyadoo xiddiga reer Brazil uu markii ugu horeysay u ciyaarayo PSG xilli ciyaareedkan.

Comments are closed.