Madax Xanuunka Zidane: Toni Kroos Kaliya Ayaa Taam Buuxda Ah Xiddigaha Khadka Dhexe Ee Real Madrid Ka Hor Kulanka Berri Iyo Kulanka PSG

Advertisements

Luka Modric ayaa dhaawac muruqa ah uu soo gaaray taasoo garoomada ka sareysa muddo 15 maalmood ah, tababare Zinedine Zidane ayaa ku qasban inuu wax ka bedelo qorshihiisa kulamada Levante iyo Paris Saint-Germain.

Kaliya Toni Kroos ayaa ah xiddiga khadka dhexe ee boqolkiiba 100 taam ah, iyadoo Isco uu weli dhaawac yahay halka James Rodriguez uu dhaawac ka soo laabtay.

Dhanka kale, Casemiro ayaa hal tababar kaliya sameeyay ka hor kulanka berri ee Levante iyadoo Fede Valverde uu ku soo laabtay Yurub ka dib markii uu labo kulan u soo ciyaaray Uruguay kulamadii heerka caalami, waxaana la sheegay inuu qabo dhaawac yar oo keeni karta inuu seego kulanka berri.

Fekerka Zidane ee ciyaarta Levante ayaa aheyd inuu nasasiiyo xiddiga reer Brazil Casemiro kaasoo ciyaaray kulamadii Colombia iyo Peru, waxaana uu qorshaha ahaa inuu ku soo bilaabo Modric iyo Kroos.

Laakiin haatan waa inuu doorto Casemiro iyo Valverde midkii ka garab ciyaari lahaa xiddiga Jarmalka ka hor kulanka Real Madrid ay Arbacada la ciyaareyso PSG ee Champions League.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Maxaa Ku Dhacay Tottenham? Spurs Oo Mar Kale La Garaacay, Leicester Oo Kaalinta 2aad Soo Gashay, Xilli VAR Ay Gool Sax Ah Diiday

Kulanka France ay ku ciyaarayaan Zidane waxa uu dooran karaa shax ciyaareedka 4-4-2, Gareth Bale iyo Lucas Vazquez ayaa khadka dhexe la ciyaaraya Kroos iyo Casemiro halka Karim Benzema iyo Eden Hazard ay afka hore ka ciyaarayaan.

Advertisements

Dhaawaca Modric ayaa walwal ku ah Real Madrid kuwaasoo sideed dhaawac oo muruq ah uu soo gaaray tan iyo bilowgii xagaaga.

Ka dib markii ay baxeen Dani Ceballos iyo Marcos Llorente, Los Blancos waxa ay heysataa kaliya afar xiddig oo khadka dhexe ku tashasustay, iyadoo xiddigii uu Zidane doonayay ee Paul Pogba uu baaqi ku sii ahaaday Manchester United.

Comments are closed.