ESPN Oo Abuurtay Shaxda Ugu Fiican Dunida Waqti Xaadirkaan – Xiddigo Waa Weyn Oo Ka Maqan 11ka Xiddig Ee Fiican Dunida

Advertisements

Warbaahinta caalamiga ah ee ESPN ayaa ka tagtay xiddigaha sida Alisson, Sergio Ramos, Neymar iyo Lewandowski markii ay abuureen shaxda ugu fiican caalamka waqti xaadirkaan.

EPSN ayaa shax ay ka buuxaan xiddigo tayo leh abuurtay iyagoo ku sameeyay tashkiilada 4-3-3.

Goolhayaha Atletico Madrid Jan Oblak ayaa shaxda kaga hormaray goolhayaha Liverpool Alisson iyo kan Barcelona Marc-Andre ter Stegen.

Daafaca Liverpool Virgil van Dijk oo ku guuleystay abaalmarinta xiddiga sannadka UEFA bishii la soo dhaafay ayaa ahaa dooqa koowaad ee daafaca dhexe, waxaana ka garab ciyaaraya daafaca aadka loo qiimeeyo ee Napoli Kalidou Koulibaly.

Garbaha daafacyada waxaa loo xulay xiddiga Bayern Munich Joshua Kimmich oo daafaca midig ah iyo xiddiga Liverpool Andy Robertson oo loo xulay daafaca bidix.

Xiddiga Chelsea N’Golo Kante ayaa ka dhex muuqda seddexda khadka dhexe waxaa ku wehliya xiddiga Barcelona Frenkie de Jong iyo kubadsameeyaha Manchester City Kevin de Bruyne.

Kabtanka Barcelona Lionel Messi ayaa garabka midig ee weerarka ah ku jira halka xiddiga Juventus Cristiano Ronaldo loo xulay garabka bidix ee weerarka.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  RIKOODH: Man City Oo Rikoor Cusub U Dhigtay Premier League, SIDEED Gool Ayay Ku Xasuuqeen Watford & Silva Oo Seddexleeydiisii Ugu Horeysay Dhaliyay

Waxaana weerarka hogaaminaya xiddiga kooxda Paris Saint-Germain Kylian Mbappe.

Advertisements

Taageerayaasha ayaa shaxdaan ku wadaagay baraha bulshada waxaana ay dood ka keeneen in lagu soo daray De Jong iyadoo ay joogaan Bernando Silva iyo Marco Veratti.

Waxay sidoo kale dood ka keeneen soo xulashada Kylian Mbappe iyadoo taageerayaasha qaar ay ku doodeen inuu uga haboonaa Robert Lewandowski.

Comments are closed.