“Koob Walba Ayaan Ku Guuleysan Laheyn Haddii Pep Guardiola Uu Tababare Inoo Ahaan Lahaa” – Ma Runbaa Hadalka Wayne Rooney?

Advertisements

Wayne Rooney ayaa aaminsan in jiilkii dahabiga ee England soo maray inay ku guuleysan lahaayeen koob walba haddii uu tababare u ahaan lahaa Pep Guardiola.

Rooney oo 120 kulan u saftay xulka Ingariiska ayaa u tartamay lix koob oo waa weyn oo caalami ah, laakiin waligood ma aysan dhaafin wareega sideed dhamaadka.

Si kastaba, waxa uu aaminsan yahay in niyadjabka England uu ugu wacan yahay tababare xumo oo aysan aheyn tayo xumo.

“Farxad ayaan ku daawadaa England marka ay badinayaan” ayuu yiri Wayne Rooney.

“Marka aad eegto xulkeena 10 sannadood ka hor, waxaan lagu doodi karaa inaan heysanay ciyaartoydii ugu fiicneyd kubada cagta caalamka.

“Rio Ferdinand, John Terry, Ashley Cole, [Steven] Gerrard, [Paul] Scholes, [Frank] Lampard, [David] Beckham, aniga, Michael Owen – haddii aan heysan laheyn Pep Guardiola markaas, waxaan ku guuleysan laheyn koob walba, taasi shaki kuma jiro.

Rooney ayaa ah xiddiga ugu goolasha badan abid xulka Ingariiska isagoo u dhaliyay 53 gool, waxaana uu rikoorkaas kala wareegau Sir Bobby Charlton.

Advertisements

Laakiin waxa uu aaminsan yahay in kabtanka haatan ee England Harry Kane ioo England u dhaliyay 26 gool inuu rikoorkiisa jabin doono.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  KASHIFAAD: Labo Xiddig Oo Real Madrid Ah Oo Ka Soo Muuqan Doona Shaxda Kooxda Adduunka Ee FIFA FIFPro World XI Iyagoo Aan Wax Koob Ah Qaadin

“Uma maleynayo in rikoorkeyga uu taagnaan doono muddo 50 sannadood ah sida kii Bobby Charlton, waxaan aaminsanahay in Harry Kane uu jabin doono labada ama seddexda sanno ee soo socota. Waa gooldhaliye fantastik ah, rikoorkiisa England waa fantastik” ayuu yiri Rooney.

Comments are closed.