Maxaa Ka Oohiyay Jose Mourinho Wareysigii Uu Maanta Siiyay El Chiringuito TV? Waa Maxayse Sababta Real Madrid Ay U Tahay Kooxdii Ugu Fiicneyd Ee Uu Tababaro?

Advertisements

Jose Mourinho ayaa ooyay maanta ka dib markii la tusay sawirka aabihiisii geeriyooday Felix Mourinho.

Macalinkii hore ee Real Madrid, Manchester United iyo Chelsea ayaa wareysi dhif iyo naadir ah oo uu qiireysan yahay siiyay El Chiringuito TV isagoo uga hadlay xiriirkii uu la lahaa aabihiis.

Felix Mourinho oo goolhaye ahaan jiray waayihiisii ciyaareed ayaa geeriyooday sannadii 2007 isagoo 79 sanno jir ah.

Jose ayaa la tusay sawir isaga iyo aabihiis ah kaasoo hal kulan u saftay xulka Portugal, waxaana sawirka lagu qaaday daanta kale ee wabiga ee goobtii wareysiga uu ka dhacayay.

Mourinho oo abaalmarinta tababarka sannadka FIFA ku guuleystay sannadii 2010 ayaa ilinta iska tirtiray isagoo bilaabay inuu ka hadlo saameyntii uu aabihiis ku yeeshay waayihiisa tababarenimo.

“Ha iga ooysiinin” ayuu yiri Mourinho.

“Wixii aan bartay, tababare ahaan, raganimo ahaan, casharadii aan la tagay waayaheyga tababarenimo iyo xusuustii ugu fiicneyd nolosheyda waa isag. Fantastik ayay aheyd.”

Mourinho ayaa bilaa shaqo ah haatan isagoo howl khabiirnimo u qabanaya Sky Sports ilaa iyo uu shaqo tababarenimo ka helayo.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Jose Mourinho Oo Shaaciyay Sababta Uusan U Dooneynin Inuu Tababare Uga Noqdo Real Madrid

56 jirkaan ayaa sidoo kale ka hadlay shaqadiisii ugu fiicneyd ee tababarenimo ee ilaa iyo haatan.

Waxa uu yiri: “Real Madrid aaya aheyd khibradeydii ugu fiicneyd sababtoo ah waxaan ka bartay wax badan oo nolosheyda iyo waayaheyga shaqo la xiriirta.

“Waa xusuustii ugu fiicneyd waayaheyga tababarenimo, fantastik ayay aheyd.

“Wixii ay Real Madrid i weydiisatay waxay aheyd mid ku haboon dabeecadeyda.

“Waxay ii sheegeen in kooxda ugu fiican Spain ay ka ciyaarto dhanka kale, waxay ii sheegeen inay kooxdaas cagta marineyso iyaga ayna u baahan yihiin inay xaalada dhanka kale u rogaan.

Advertisements

“Waxaan ku qasbaneyn inaan ka celino Barcelona inay cagta na marsiiso waana sababta koobkii Copa del Rey ee Mestalla Stadium uu muhim weyn inoogu ahaa.

“Wixii markaas ka danbeeyay xaalka isku mid ah. Waxaan ku guuleysanay horyaalka Super Cup laakiin wax u dhigma ma jiro finalkii Copa del Rey, nasiibdarro waxaad ku guuldareystay seddex semi-final Champions League.”

Comments are closed.