QIRASHO: Premier League Oo Qiratay In VAR Ay Sameysay Afar Qalad Xilli Ciyaareedkan & Kulamadii Qaladka Lagu Sameeyay Oo La Ogaaday

Advertisements

Muuqaal caawiyaha garsooraha VAR waxa uu saameyn weyn ku yeeshay kulamadii ugu horeeyay ee la ciyaaray Premier League xilli ciyaareedkan.

Taageerayaasha qaar ayaa jecel, halka qaarka kale ay neceb yihiin. Waxaase hubaal ah inay riwaayad ku soo kordhisay horyaalka. Waxaan aragnay gool loo dabaaldego labo jeer – marka goolka uu dhasho iyo marka VAR ay ansixiso.

Laakiin miyay VAR ku saxneyd go’aan walba? Sida uu sheegay madaxa garsoorayaasha Premier League Mike Riley, VAR waxay sameysay afar qalad 40kii kulan ee la ciyaaray xilli ciyaareedka.

Mike Riley ayaa sheegay in 227 go’aan lagu hubiyay, waxaana uu sheegay in mudadaas ay VAR sameysay afar qalad.

Hadaba aan eegno afarta go’aan ee ay VAR ku qaldantay.

25ka August | Bournemouth v Manchester City

Sidee ayaan David Silva rigoore loogu dhigin markii uu qalad ku galay Jefferson Lerma?

Garsoore Andre Marriner ayaa tilmaamay inay ciyaarta sii socoto, Kevin Friend oo ahaa garsooraha VAR ayaa isna go’aansaday inuusan go’aankaas wax ka bedelin.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Oxlade-Chamberlain Oo Ku Soo Biiray Dooda Ku Saabsan In Mohamed Salah Uu Kubada Baasin & Fariin Uu U Diray Xiddiga Reer Masar

August 31 | West Ham United v Norwich City

Haddii qaladkii uu Lerma ku galay Silva uu isna cadaa, isna waxaa la mid ah qaladkii uu Tom Trybull ku galay Sebastian Haller

Gasroore Paul Tierney ma uusan arkin qaladka, halka garsooraha VAR Marriner uu ku raacay go’aanka Tierney.

August 31 | Leicester City v Bournemouth

Youri Tielemans ayaa waxa uu kabtiisa saaray shanshashda Callum Wilson taasoo dhaawac weyn u geysan laheyd xiddiga Bournemuth.

Waa laga cafin karaa garsoore Peter Bankes inuusan arkin laakiin garsooraha VAR Martin Atkinson inuu hubiyo ayay aheyd.

Advertisements

August 31 | Newcastle United v Watford

Goolkii barbaraha ee Fabian Schar in la diido ayay aheyd ka dib markii uu kubada gacanta ku soo taabtay Isaac. Sharciyada cusub ee kubada cagta ayaa dhigaya in qalad la dhigo xitaa haddi kubada ay si kama ah ugu dhacdo gacanta ciyaaryahan.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Aabaha Dhalay Xiddiga Barca U Soo Baxay Ansu Fati Oo Shaaciyay Xulka Qaran Ee La Doonayo Wiilkiisa: "Riyadiisa Iyo Teydaba Ma Ahan Inuu Xirto Maaliyada Spain"

Premier League waxay sheegeen in qaladaadkaan ay ahaayeen kuwa uu bani’aadam ka dhacay madaama VAR aysan xulanin xagasho kaamiro ee si fiican wax looga arki karay.

Comments are closed.