Khabiirka Sky Sports Charlie Nicholas Oo Saadaaliyay Kulamada Premier League Ee Isbuuc Dhamaadka – Labo Koox Oo Waa Weyn Oo Uu Barbaro & Guuldarro U Saadaaliyay

Advertisements

Khabiirka Sky Sports Charlie Nicholas ayaa soo saaray saadaashiisa kulamada Premier League ee la ciyaarayo isbuuc dhamaadkaan oo ay ku jirto kulanka ay Liverpool soo dhaweyneyso Newcastle, Norwich vs Manchester City iyo Watford vs Arsenal.

Miyaa Liverpool sii wadan doontaa guulaha ay ku bilaabatay xilli ciyaareedka? Miyay Man City cadaadiska ku sii heyn doontaa kooxda Jurgen Klopp? Miyay Arsenal gaari doontaa guushoodii seddexaad ee xilli ciyaareedka? Weeraryahankii hore ee Arsenal iyo Scotland Charlie Nicholas ayaa saadaaliyay kulamada isbuuca shanaad ee Premier League.

Liverpool ayaa duhurnimada Sabtida waxa ay garoonkeeda Anfield ku soo dhaweyn doontaa kooxda Newcastle United, Charlie Nicholas ayaana saadaaliyay in Reds ay badin doonto kulankii shanaad ee isku xiga ee horyaalka xilli ciyaareedkan, isagoo u saadaaliyay guul 2-0 ah.

Kooxda difaacaneysa horyaalka ee Manchester City waxa ay u safreysaa kooxda u soo dalacday Premier League xilli ciyaareedkan ee Norwich City, inkastoo uu guul u saadaaliyay kooxda Pep Guardiola hadana saadaashiisa ayaa khariib ah iyadoo Charlie Nicholas uu saadaaliyay in City ay 6-2 ku badin doonto.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Waa kuma Xiddiga Premier League Ee Boorso Joogta 8 Kun Doolar Ku Qaatay Abaalmarintiisa Xiddiga Garoonka?

Arsenal waxa ay Axada u safreysaa kooxda Watford, waxaana Charlie Nicholas uu saadaaliyay in kooxdiisa hore ee Gunners ay ku badin doonto 3-1.

Manchester United oo xaalka uu ku xun yahay ayaa waxa ay garoonkeeda Old Trafford ku soo dhaweyn doontaa Leicester City, Charlie Nicholas ayaa saadaaliyay inay ciyaartaas ku dhamaan doonto barbaro 1-1 ah.

Kooxda Chelsea ayaa iyagana Sabtida waxay u safrayaan kooxda Wolves, khabiirka Sky Sports Charlie Nicholas ayaa saadaaliyay in Blues ay guuldarro 2-1 ka soo gaari doonto kooxda Wolves.

Tottenham waxay martigelineysaa kooxda kale ee reer London Crystal Palace, waxaana uu Charlie Nicholas saadaaliyay in Spurs ay 2-1 ku badin doonto kulankaan.

SAADAASHA CHARLIE NICHOLAS:

Sabti

Liverpool 2-0 Newcastle

Brighton 1-1 Burnley

Man United 1-1 Leicester City

Sheff United 2-2 Southampton

Tottenham 2-1 Crystal Palace

Wolves 2-1 Chelsea

Norwich 2-6 Man City

Axad

Bournemouth 2-1 Everton

Watford 1-3 Arsenal

Advertisements

Isniin

Aston Villa 2-1 West Ham

Comments are closed.