Lionel Messi Oo Ka Hadlay Heshiiskii Burburay Ee Neymar, Eedeyn Dadban Uu U Jeediyay Barcelona & Mustaqbalkiisa Uu Cadeeyay

Advertisements

Kooxda Barcelona ayaa xagaagii oo dhan ku mashquusaneyd sidii ay kooxda dib ugu soo kicin lahaayeen Neymar, laakiin kabtanka kooxda Lionel Messi ayaa dareensan in kooxda aysan sameynin wax walba oo ay ku hubin kareen soo laabashadiisa.

Wadahadalada ayaa ahaa kuwa socday ilaa saacadihii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga, wax heshiis ahna lama gaari iyadoo Neymar uu sii joogayo Paris Saint-Germain.

“Waan jeclaan lahaa in Neymar uu dib ugu soo laabto kooxda” ayuu Messi u sheegay jariirada Sport. “Daacadii ma garanayo haddii Barcelona ay sameysay wax walba oo ay ku hubin kartay soo laabashadiisa.

“Si kastaba, waa run in wadahadal lala galo PSG inaysan sahlaneyn.

“Dhanka isboortiga marka la eego Neymar waa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican dunida. Kooxda waxa ay sidoo kale ka faa’idi laheyd xaquuqdiisa muuqaalka iyo xayaysiinta.

“Marnaba ma aanan dalbanin saxiixa Neymar. Waxa kaliya aan sameeyay ayaa aheyd inaan fekerkeyga dhiibtay.

“Kama xumi in Neymar uu imaan waayay. Waxaa heysanaa ciyaartoy fiican, waxaana u tartami karnaa koob walba xitaa Neymar la’aantiis.”

Advertisements

Dhanka mustaqbalkiisa isagoo ka hadlayay Messi ayaa wax laga weydiiyay sharuuda ku jirta qandaraaskiisa ee keeni karta inuu dhamaadka xilli ciyaareedkan isaga tagi karo kooxda.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Liiska Tababarayaasha U Sharaxan Shaqada Tababare Zidane Ee Real Madrid Oo La Ogaaday & Xiddig Hore Oo Si Lama Filaan Ah Loogu Arkay

“Halkaan waa gurigeyga, mana doonayo inaan baxo” ayuu yiri Messi. “Laakiin waxaan doonayaa inaan guuleysto”

Comments are closed.