Xiddigaha Xulka England Oo Talaabo Geesinimo Ah Qaadaya Haddii Ay Fal Cunsurinimo Ah Kala Kulmaan Bulgaria

Advertisements

Xiddigaha England ayaa ka wada hadli doona inay isaga baxaan garoonka haddii ciyaartoyda madowga ah ee xulka ku jira lagula kaco fal cunsurinimo ah kulanka isreebreebka Euro 2020 ee ay ku ciyaarayaan Bulgaria.

Tababaraha xulka England Gareth Southgate ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu la hadlo ciyaartoydiisa ka hor kulanka bisha soo socota , iyadoo Ingariiska ay ka walaacsan yihiin in ciyaartoydooda madowga ah la cunsuriyeyn doono.

Bulgaria ayaa qeyb ka mid ah garoonkooda la xiri doonaa kulanka 14ka bisha October ka dhacaya magaalada Sofia ka dib markii UEFA ay ku heshay taageerayaashooda danbi ah inay heeso cunsurinimo ah qaadeen kulamadii ay la ciyaareen Czech Republic iyo Kosovo bishii Juun.

Waxaa sidoo kale soo baxday in taageere Bulgaria ah in laga saaray garoonka Wembley Sabtidii isagoo lagu eedeeyay inuu hadalo cunsurinimo ku yiri Raheem Sterling inkastoo xiddiga Manchester City uu sheegay inuusan maqlin.

Southgate ayaa la tashtay ciyaartoydiisa ka dib guushii ay England ka gaareen Montenegro kulankii bishii March markaasoo Danny Rose la cunsuriyeeyay. Laakiin markaas waxay isku raaceen inaysan garoonka ka bixin.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  RIKOODH: Man City Oo Rikoor Cusub U Dhigtay Premier League, SIDEED Gool Ayay Ku Xasuuqeen Watford & Silva Oo Seddexleeydiisii Ugu Horeysay Dhaliyay

Laakiin haatan waxay qorsheynayaan inay garoonka isaga baxaan haddii taageerayaasha Bulgaria ay bilaabaan inay ku heesaan ereyo cunsurinimo ah ama ay soo bandhigaan boorar cunsurinimo ah.

Advertisements

UEFA ayaa dejisay sharci ah in codbaahiyaha garoonka looga diray taageerayaasha, haddii ay sii wadaan falkooda cunsurinimada ah in garsooraha uu joojin karo ciyaarta ama gabi ahaanba uu baajin karo.

Wargeyska Daily Mirror ayaa sheegay in xiriirka kubada cagta Ingariiska ay taageeri doonaan wax walba oo ay ciyaartoyda go’aansadaan.

Comments are closed.