Jose Mourinho Oo Saadaaliyay Waxa uu Cristiano Ronaldo Sameyn Doono Marka Uu 50 Sanno Jir Noqdo

Advertisements

Jose Mourinho ayaa saadaaliyay in Cristiano Ronaldo uu goolal sii dhalin doono marka uu 50 jir noqdo ka dib rikoorkii gooldhalin ee uu jabiyay.

Ronaldo ayaa afar gool dhaliyay kulankii a Portugal 5-1 kaga badisay xulka Lithuania habeenkii Talaadada isagoo jabiyay rikoorkii gooldhalinta ee Robbie Keane ee isreebreebka Qaramada Yurub.

Xiddiga Juventus oo ka soo hoos ciyaaray Mourinho markii uu joogay Real Madrid ayaa haatan 93 gool u dhaliyay xulka qarankiisa Portugal, mana soo bandhigayo calaamad ah inuu hoos u dhacayo.

Mourinho ayaa ku amaanay xiddiga shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or inuu yahay xiddig lama taabtaan ah, waxaana uu saadaaliyay inuusan gooldhalinta joojin doonin xitaa marka uu ciyaaraha ka fariisto, isagoo sheegay inuu noqon doono mid wacdarro ka dhiga kulamada halyeeyada.

“Waxa uu Cristiano sameeyo la yaab iguma ahan aniga” ayuu Mourinho u sheegay TV-ga Portugal ee Channel 11.

“Isagoo 34 sanno jir ah ayuu yahay xiddig sarre oo u ciyaaraya koox weyn, waxaana uu leeyahay hami sarre.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Waa Kuwan AFARTA Daafac Dhexe Ee Uu Pep Guardiola Midkood Lasoo Saxeexan Karo January Si Uu Tartanka Horyaalka Ula Galo Liverpool.

“La yaab iguma ahan sababtoo ah hido sidihiisa ayaa u baahan in la baaro iyo sidoo kale maskaxdiisa.

Advertisements

“Waa xiddig cajiib ah, waa nin ka fekeraya kaliya guusha, marba marka ka danbeysa waa uu ka sii fiicnaanayaa. Waana sababta aysan la yaab iigu aheyn waxa uu sameeyo.

“Marka uu 50 jir noqdo waxa uu joogi doonaa gurigiisa, FIFA ayaa ku casuumi doonta kulan halyeeyada ah. Waa uu ciyaari doonaa kulankaas, waxaana uu dhalin doonaa gool. Waan hubaa inay sidaas noqon doonto.”

Comments are closed.