Shan Tababare Oo La Ceyriyay Ka Dib Markii Ay Kooxdooda Koob U Qaadeen Iyo Real Madrid Oo Labo Jeer Oo Lama Ilaawaan Ah Sidaasi Sameysay

Advertisements

Dad badan ayay ka yaab ku noqotay markii Valencia ay ceyrisay maanta tababare Marcelino kaliya seddex kulan oo la ciyaaray horyaalka La Liga, sababta loo ceyriyayna ma ahan mid la xiriirta waqabadkiisa laakiin waxa ay isku dhaceen milkiilaha kooxda Peter Lim.

Maecelino waxa uu toban sanno ka dib koob u qaaday Valencia xilli ciyaareedkii la soo dhaafay markii ay Copa del Rey ka qaadeen kooxda Barcelona, waxaana uu labadii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay u soo saaray Champions League.

Hadaba waxaan eegi doonaa tababarayaal kale oo iyagoo koobab u qaaday kooxdooda hadana shaqada laga ceyriyay, kuma jiraan tababarayaal iyaga iska casilay shaqadooda sida Zidane uu sameeyay ka hor inta uusan ku laaban Bernabeu.

Vicente del Bosque

De Bosque ayaa horyaalka La Liga ku hogaamiyay real Madrid 2001 iyo 2003 halka uu sidoo kale ku hogaamiyay Champions League xilli ciyaareedyadii 1999-00 iyo 2001-02 laakiin waan la ceyriyay ka dib markii uu kooxda u qaaday horyaalka La Liga sannadii 2003 iyadoo Florentino Perez uu sheegay in Del Bosque uusan aheyn tababaraha ku haboon mustaqbalka kooxda.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Wuu Soo Laabtay - Mid Kamida Xiddigaha Ugu Muhiimsan Chelsea Oo Tababarka Kooxdiisa Kusoo Laabtay Kahor Kulanka Weyn Ee Liverpool.

Markii la ceyriyay Del Bosque waxaa Real Madrid soo maray Carlos Queiroz, José Antonio Camacho, Mariano García Remón, Vanderlei Luxemburgo iyo Juan Ramón López Caro,laakiin midkoona horyaalka kuma guuleysanin ilaa iyo Fabio Capello uu u qaaday sannadii 2006.

Roberto Di Mateo

Si ku meel gaar ah ayaa loogu dhiibay shaqada Chelsea ka dib markii la ceyriyay Andre Villas-Boas bishii March 2012, cidna ma aysan fileynin inuu xiddigii hore ee khadka dhexe ee kooxda uu guulo ku gaarayo Stamford Bridge.

Waxa uu kooxda ku hogaamiyay Champions League iyo FA Cup, laakiin Di Matteo waxaa la ceyriyay isla sannadkaas bishii November ka dib guuldarro ka soo gaartay Juventus koobka Champions League , wuxuu kooxda hogaamiyay kaliya 42 kulan.

Claudio Ranieri

Malaha mucjisadii ugu weyneyd ee dhamaantood. Waxa uu Ranieri koobka horyaalka kula dagaalamay kooxo ka lacag badan kana ciyaartoy fiican isagoo horyaalka ku qaaday 10 dhibcood oo ay ka sareeyeen Arsenal xilli ciyaareedkii 2015-16.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Maxaa Ku Dhacay Tottenham? Spurs Oo Mar Kale La Garaacay, Leicester Oo Kaalinta 2aad Soo Gashay, Xilli VAR Ay Gool Sax Ah Diiday

Tababaraha Talyaaniga ayaana laga ceyriyay kooxda bishii Febraayo ee sannadkii ku xigay.

Advertisements

Carlo Ancelotti

Real Madrid in ka badan 10 sannadood ayay sugayeen inay qaadaan koobkoodii todonaad ee Champions League. Xitaa shaqaaleysiinta Jose Mourinho kama aysan caawinin laakiin Carlo Ancelotti ayaa riyadaas ka dhabeeyay xilli ciyaareedkii 2013-14.

Laakiin taasi ma aysan badbaadinin shaqada Ancelotti sannadkii ku xigay iyadoo Perez uu ceyriyay.

Comments are closed.