“Arsenal Ayaa Ah Kooxda Kaliya Ee U Qalanta Inay Ka Ciyaarto London” – Xiddig Arsenal Ah Oo Cagta Dulmariyay Chelsea & Tottenham

Advertisements

Goolhayaha Arsenal Bernd Leno ayaa is jecleysiiyay taageerayaasha kooxdiisa ka dib markii uu quursaday kooxaha la xafiiltama isagoo sheegay in Gunners ay tahay kooxda ugu fiican London.

Goolhayaha Jarmalka ayaa aaminsan in Arsenal ay tahay kooxda kaliya ee u qalanta inay ka ciyaarto caasimada Ingariiska, inkastoo Tottenham iyo Chelsea ay yihiin kuwa xilli ciyaareedkan ka dheelaya Champions League.

Isagoo uga soo biiray Bayer Leverkusen, Leno ayaa sheegay inaysan jirin koox u dhiganta Gunners.

“Isma barbardhigi kartida, dabcan Arsenal waa kooxda adduunka. Waa kooxda kaliya ee London.” ayuu Leno u sheegay jariirada Jarmalka ee Bild.

“Ma ahan Chelsea, ma ahan Tottenha, Arsenal ayaa ah kooxda halkaan ee taageerayaasha ku leh dunida oo dhan.

“Waxba ma ahan meesha aan joogno, sidoo kale Mareykanka ama Aasiya, waxaa jira taageerayaal badan oo Arsenal ah oo ku nool meel walba.”

Inkastoo taageerayaasha Chelsea iyo Tottenham ay xusuusin doonaan Leno in kooxdiisa aysan ciyaari doonin Champions League xilli ciyaareedkan, hadana Arsenal ayaa ah kooxda ugu sareysa kooxaha London horyaalka Premier League haatan.

Advertisements

Arsenal waxa ay ku jirtaa kaalinta shanaad ka dib afar kulan oo la ciyaaray, labo guul, hal barbaro iyo guul darro.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  KASHIFAAD: Labo Xiddig Oo Real Madrid Ah Oo Ka Soo Muuqan Doona Shaxda Kooxda Adduunka Ee FIFA FIFPro World XI Iyagoo Aan Wax Koob Ah Qaadin

West Ham ayaa kaalinta 7aad ku jirta, halka Tottenham ay kaalinta 9aad ku jirto iyadoo kooxda Frank Lampard ee Chelsea ay fadhiso kaalinta 11aad.

Comments are closed.