Wadahadalka Manchester United Iyo Borussia Dortmund Ee Saxiixa Jadon Sancho Oo La Xaqiijiyay

Advertisements

Borussia Dortmund ayaa xaqiijisay inay Manchester United kala hadleen saxiixa xiddiga aadka loo qiimeeyo Jadon Sancho xagaagan.

United ayaa diirada ku heysay da’ yarka garabka ka ciyaara xagaagii oo dhan, waxaana ay diyaar u ahaayeen inay kula soo wareegaan 100 milyan ginni.

Laakiin Dortmund ayaa u cadeysay in 19 jirkaan uusan iib aheyn qiimo kasta oo ay soo bandhigaan, iyagoo aaminsan inuu ka caawin karo hanashada horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkan.

Waxa ay sidoo kale soo jeediyeen in Sancho uu shaqsi ahaantiisa diidanaa inuu nolosha Jarmalka ku bedesho mida Old Trafford.

Agaasimaha Dortmund Micahel Zorc ayaa isagoo ka hadlayay dukumiintiri laga duubay kooxda bishii March waxa uu shaaca ka qaaday in kulan uu dhexmaray iyaga iyo Man United.

Waxa uu yiri: “Arin si weyn looga hadlayo haatan waa Sancho iyo Manchester United.

“Wadahadalkii uu kooxda la yeeshay iyo kii aan aniga la yeeshay wakiilada Man United.

“Laakiin waxa aan ogahay ayaa ah in kooxda ay sheegtay in qiimo kasta oo la soo bandhigo inaysan fasaxeynin Sancho xagaagan.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Waa Kuwan AFARTA Daafac Dhexe Ee Uu Pep Guardiola Midkood Lasoo Saxeexan Karo January Si Uu Tartanka Horyaalka Ula Galo Liverpool.

“Ciiyaaryahanka isagaba ma dooneynin inuu wareego xagaagan.”

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonayay inuu keeno Jadon Sancho si uu qeyb uga noqdo dib u dhiskiisa kooxdii uu ka dhaxlay Jose Mourinho.

Advertisements

Kooxda ayaa u balanqaaday inay saxiixyo waa weyn u soo iibsaneyso waxaana ay diyaar u ahaayeen inay bankiga u jabiyaan xiddigaha ugu fiican Yurub.

Laakiin heshiis waa ay ka gaari waayeen saxiixa Sancho iyadoo United weeraryahanka kaliya ay la soo wareegtay uu ahaa Daniel James.

Comments are closed.