RASMI: Xiddig Liverpool Ah Oo Caawa Xiran Doona Maaliyada Man City Iyadoo La Xaqiijiyay Xiddigaha Dheelaya Kulanka Lagu Maamusayo Vincent Kompany

Advertisements

Caawa oo Arbaco ah waxa ay noqon doontaa markii ugu danbeysay ee Vincent Kompany uu ka soo muuqdo garoonka Etihad Stadium isagoo xiran maaliyada Manchester City.

Kulanka lagu maamusayo waayihiisa ciyaareed ayaa waxa uu u dhaxeeyaa kooxda halyeeyada Manchester City iyo kooxda halyeeyada Premier League.

Kompany ayaa 265 kulan u saftay Manchester City isagoo la qaaday afar koob oo Premier League ah, labo FA Cup iyo afar koob oo League Cup ah intii u dhaxeysay 2008 ilaa 2019.

Kow iyo toban sannadood oo uu joogay Man City ayaa waxa ay la micno tahay in halyeeyga City loo sameynayo kulan lagu maamusayo waayihiisa ciyaareed ee kooxda.

Sideed sannadood ayuu ahaa kabtanka kooxda, waxaana uu ahaa darbiga daafaca City isagoo sarre u qaaday rikoorkooda kubad difaacasho.

Hadaba kumaa ciyaaraya kulanka caawa ee lagu maamuusayo Vincent Kompany?

Xiddig muran ka dhex dhaliyay taageerayaasha Manchester City waa James Milner kaasoo caawa xiran doona maaliyada kooxda Man City isagoo lagu soo daray halyeeyada kooxda.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Oxlade-Chamberlain Oo Ku Soo Biiray Dooda Ku Saabsan In Mohamed Salah Uu Kubada Baasin & Fariin Uu U Diray Xiddiga Reer Masar

Milner oo haatan u ciyaara Liverpool ayay taageerayaasha City ku doodayaan inuusan aheyn halyeey kooxda ah.

Waxaa sidoo kale Man City u ciyaari doona xiddigo kale oo soo maray Liverpool sida Craig Bellamy, Dietmar Hamann, Mario Balotelli iyo Kolo Toure.

Halyeeyada Man City oo uu tababare u yahay Pep Guardiola

Joe Hart, Costel Pantilimon – Vincent Kompany, Joleon Lescott, Micah Richards, Kolo Toure, Pablo Zabaleta, Richard Dunne, Gael Clichy – Nigel de Jong, Samir Nasri, Shaun Wright-Phillips, Stephen Ireland, David Silva, Dietmar Hamann, James Milner – Craig Bellamy, Sergio Aguero, Mario Balotelli, Benjani

Advertisements

Halyeeyada Premier League oo uu tababare u yahay Roberto Martinez

Edwin van der Sar, Shay Given – Phil Neville, Gary Neville, John O’Shea, Wes Brown – Paul Scholes, Nicky Butt, Michael Carrick, Ryan Giggs, Rafael van der Vaart, Cesc Fabregas – Thierry Henry, Robin van Persie

Comments are closed.