Muxuu Sergio Ramos Ku Jawaabay Markii La Weydiyay Haddii Virgil van Dijk Uu U Qalmo Ku Guuleysiga Abaalmarinta Ballon d’Or?

Advertisements

Xiddiga Liverpool Virgil van Dijk ayaa ugu cadcad hanashada abaalmarinta xiddiga sannadka adduunka ee Ballon d’Or.

Daafaca reer Holland ayaa xilli ciyaareed fiican la qaatay Liverpool isagoo ku guuleystay Champions League iyo abaalmarinta xiddiga sannadka Ingariiska ee PFA.

Van Dijk ayaa sidoo kale ku guuleystay abaalmarinta xiddiga sannadka UEFA iyo daafaca sannadka ee UEFA.

Haddii uu Ballon d’Or ku daro abaalmarinadiisa, waxa uu noqonayaa daaficii ugu horeeyay ee ku guuleysta tan iyo markii uu Fabio Cannavaro ku guuleystay sannadii 2006.

Daafaca Real Madrid Sergio Ramos ayaa ku faraxsan in Van Dijk uu tartan ugu jiro abaalmarinta Ballon d’Or.

Daafaca reer Spain ayaa cadow koowaad u ah taageerayaasha Reds ka dib finalkii Champions League ee 2018 markaasoo lagu eedeeyay inuu si ku talogal ah u dhaawacay Mohamed Salah.

Laakiin waxa uu sheegay in Van Dijk uu u qalmo inuu ku guuleysto Ballon d’Or.

Si kastaba, waxa uu kabtanka Real Madrid carabka ku adkeeyay in abaalmarinta ay diirada uun saareysay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  KASHIFAAD: Labo Xiddig Oo Real Madrid Ah Oo Ka Soo Muuqan Doona Shaxda Kooxda Adduunka Ee FIFA FIFPro World XI Iyagoo Aan Wax Koob Ah Qaadin

Waxa uu sidoo kale walaac ka muujiyay in ciyaartoy Isbaanish ah aysan ku guuleysanin abaalmarinta sannadihii u danbeeyay.

“Haddii Van Dijk uu ku guuleysto, waxaa ku guuleystay xiddig u qalma” ayuu Ramos ka yiri xaflad lagu daah furayay dukumeentiriga laga diyaaiyay noloshiisa ee ay sameysay Amazon Prime.

“Van Dijk waa daafac weyn. Ka daafac ahaan waa ay nagu adag tahay inaan helno abaalmarinta. Waxay u muuqataa in abaalmarinta aysan haatan aheyn kaliya Messi iyo Cristiano. Waxay u muuqataa in albaab uu u furmayo ciyaartoyda kale.”

Advertisements

Si kastaba, waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Waxaase feker ku gelinaya marka aad ogaato in ciyaaryahan Isbaanish ah uusan ku guuleysanin abaalmarinta.

“Waa abaalmarin shaqsiyadeed, si fiicana looma yaqaano waxa lagu bixiyo.”

Comments are closed.