Gabar Iiraaniyad Ah Oo Is Gubtay Markii Lagu Qabtay Iyadoo Dhuumasho Ku Galeysa Garoon K/Cagta Ah Iskana Dhigeysa Nin

Advertisements

Gabar taageere aheyd oo u dhalatay dalka Iiraan ayaa dhimatay ka dib markii ay dab isku shiday madaama lagu qabtay iyadoo si dhuumasho ah ku galeysa garoon kubada cagata ah iyadoo isku ekeysiisay nin.

Dumarka Iiraan ayaa laga mamnuucay inay galaan garoomada kubada cagta ee ay ragu ciyaarayaan tan iyo sannadii 1981 labo sannadood ka dib kacaankii Islaamiga.

Gabadhaan oo loo yaqaanaay Sahar Khodayari ayaa jirkeeda uu gubtay boqolkiiba 90 ka dib markii ay dab is qabadsiisay ka hor inta aan la soo taagin maxkamad ku taala magaalda Tehran ee caasimada Iiraan.

Waxaa loola cararay cusbitaal laakiin waxa ay dhimatay isbuuc ka dib markii ay is gubtay, iyadoo kooxda Talyaaniga ee Roma ay maanta calaamadeeda u bedeshay buluug madaama gabadhaan loo yaqaano Blue Girl iyagoo midabka buluuga ah ku bedelay midabkooda casaanka ee lagu yaqaano.

Sahar oo 30 jir aheyd ayaa wajihi laheyd xabsi lix bilood ah madaama ay si dhuumasho ah ku gashay garoonka kubada cagta Azadi Stadium ee magaalada Tehran iyadoo iska dhigeysa nin.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Liiska Tababarayaasha U Sharaxan Shaqada Tababare Zidane Ee Real Madrid Oo La Ogaaday & Xiddig Hore Oo Si Lama Filaan Ah Loogu Arkay

Waxaa la xiray bishii Maarso iyadoo saldhig boliis ku xirneyd muddo seddex maalmood ah, waxaana ka dib loo sheegay in maxkamadeynteeda ay dhici doonto lix bilood ka dib.

Markii Sahar ay timid maalinta balanta ee maxakamada waxaa hadana loo sheegay in dib loo dhigayo madaama garsooraha ay soo wajahday xaalad degdeg ah oo qoyskiisa la xiriirta.

Wararka ayaa sheegaya in markii ay ka tagtay maxkamada inay qabatay taleefan iyadoo loo sheegay in xabsi labo sannadood ah lagu xukumayo haddii danbiga lagu helo.

Advertisements

Sahar ayaana isku hor gubtay maxkamada horteeda iyadoo walaasheed ay sheegtay inay qabtay xanuun dhanka dhimirka ah, islamarkaana ay hore isagu dayday inay is disho.

Kiiskaas ayaa qabsaday baraha bulshada iyadoo taageerayaasha kubada cagta ay u bixiyeen Blue Girl madaama kooxda ay taageereysay ee Esteghal ee ka dhisan Tehran ay ku ciyaarto midabka buluuga ah.

Comments are closed.