16ka Xul Ee Ilaa Iyo Haatan U Soo Baxay Koobka Qaramada Afrika, Aubameyang Oo Xulkiisa Soo Saaray & Mohamed Salah Oo Dabaaldegay

Xulka The Gambia ayaa u soo baxay markii ugu horeysay abid Koobka Qaramada Afrika ka dib markii ay 1-0 kaga badiyeen xulka Angola iyagoo ku biiray Comoros, Gabon, Ghana, Egypt, Zimbabwe iyo Equatorial Guinea oo iyagana soo baxay todobaadkan.

Advertisements

Assan Ceesey ayaa dhaliyay goolka muhiimka ah ee ay ku badiyeen iyagoo xaqiijistay inay ku dhameysan doonaan labada kaalimood ee ugu sareysa Group D.

Booska kale ee Group D waxaa xaqiijisatay xulka Gabon oo 3-0 ku garaacday DR Congo. Pierre-Emerick Aubameyang, Denis Bouanga iyo Aaron Boupendza ayaa goolasha u dhaliyay Gabon.

Dhanka kale Masar iyo Kenya ayaa barbaro 1-1 ku kala baxay taasoo ka dhigeysa in Masar iyo Comoros ay ka soo baxeen Group G.

Ghana oo dhibaato aan ku qabin inay u soo baxdo koobka Qaramada AFrika ayaa barbaro 1-1 la gashay South Africa iyagoo ka soo baxay Group C.

Caawa xulka Ivory Coast ayaa u soo baxay Koobka Qaramada Afrika ka dib markii ay 3-0 ku qaarjiyeen xulka Niger.

Xulalka ilaa iyo haatan u soo baxay Koobka Qaramada Afrika ee bisha Janaayo lagu qabanayo dalka Cameroon:

Cameroon (martigeliyayaasha)

Comoros

Gabon

The Gambia

Ghana

Egypt

Zimbabwe

Equatorial Guinea

Algeria

Burkina Faso

Guinea

Mali

Senegal

Tunisia

Ivory Coast

Morocco

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*