15ka Garoon Ee Ugu Caansan Instagram Oo La Shaaciyay – Camp Nou Oo Kaalinta 1aad Ku Jirta & Anfield Oo Si Lama Filaan U Garaacday Garoomo Waa Weyn

Advertisements

Garoonka Camp Nou ayaa noqday garoonka sawirada ugu badan laga soo dhigay bogga bulshada ee Instagram.

Garoonka kooxda Barcelona oo qaada 99,354 taageerayaal ayaa ah garoonka ugu caansan barta bulshada ee Instagram laakiin Anfield ayaa noqday garoonka loogu jecel yahay England.

Xog ay uruurisay Ticketgum.com ayaa lagu shaaciyay tirada inta sawir ee garoomada kubada cagta ee lagu wadaagay barta Instagram.

Waxaa la tiriyay tirada tag-yada loo sameeyay 15ka garoon ee ugu caansan, waxaana ka soo baxay natiijooyin lama filaan ah.

In ka badan 1.8 milyan shaqsi ayaa Instagram ku wadaagtay sawirada garoonka Camp Nou oo ah garoonka ugu weyn Yurub.

Waxaa ku soo xiga garoonka San Siro ee magaalada Milan oo hooy u ah kooxaha AC Milan iyo Inter Milan kaasoo Instagram lagu wadaagay 1,094,088.

Liverpool ayaa kaalinta seddexaad soo gashay inkastoo garoonkeeda uu qaado 54,074 taageerayaal.

In ka badan hal milyan shaqsi ayaa sawirada Anfield soo dhigay barta bulshada ee Instagram taasoo ka dhigeysa inay ka horeeyaan garoomada Real Madrid, Chelsea iyo Arsenal.

Real Madrid waxaa wadaagtay 909,045 halka garoonka Manchester United oo inta badan loo yaqaano Theatre of Dreams ay wadaagtay 900,191.

Advertisements

Garoonka Chelsea ee Stamford Bridge waxaa kaliya barta bulshada ee Instagram soo dhigtay 412,963.

Waxaa ugu hooseeya garoonka West Ham ee London Stadium oo Instagram la soo dhigay kaliya 52,650 jeer.

Comments are closed.