10kii Xiddig Ee Khadka Dhexe Ee Ugu Wanaagsanaa Premier League Oo La Magacaabay

Advertisements

Paul Scholes ayaa dhexdii ugu wanaagsanayd abid horyaalka Premier League waxa uu ku garaacay Frank Lampard iyo Steven Gerrard oo dooddoodu ay dabo-dheeraatay.

Scholes oo ay da’diisu tahay 45 jir ayaa isbarbar-dhigga lagu samaynayay Steven Gerrard iyo Frank Lampard ay baraha bulshada iyo warbaahintaba hadal hayn badan ka abuurtay, laakiin ugu dambayntii waxa uu meel iska saaray labadoodaba.

Qiimayn ay samaysay warbaahinta Sportskeeda, ayaa waxay Scholes ugu magacowday dhexdii ugu wanaagsanayd horyaalka Premier League, waxaanu ka horreeyaa Steven Gerrard oo kaalinta labaad ku jira iyo Frank Lampard oo dheddexaad ah.

Advertisements

11 horyaal oo Premier League ah oo uu kula guuleystay Manchester United, Saddex FA Cup, laba Champions League iyo laba League Cup oo uu Old Trafford ugu guuleystay intii uu joogay ayaa waxay ka dhigan tahay in Scholes uu ka guulo badan yahay labada ciyaartoy ee kale.

Steven Gerrard ayaa 17 sannadood oo uu Liverpool u ciyaarayay, waxa uu kusoo afjaray sannad uu kooxda LA Galaxy u dheelay, waxaana 40 jirkan oo hadda tababare u ah kooxda Rangers uu nasiib u yeelan waayey tartanka Premier League inuu la qaado kooxdiisa, inkasta oo uu Champions League kula guuleystay sannadkii 2005.

Lampard ayaa isaguna ku guuleystay Champions League, Premier League iyo koobabka kale ee laga ciyaaro waddanka Ingiriiska.

10ka ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa khadka dhexe waxa kale oo ku jira Roy Keane, Yaya Toure iyo Patrick Vieira.

Xiddigo waqtigan ciyaara ayaa iyaguna ka dhex muuqda liiska 10ka ciyaartoy.

Akhriso 10ka ciyaartoy ee ugu fiicnaa khadka dhexe:

Advertisements

10. N’Golo Kante (Leicester City & Chelsea)

9. Yaya Toure (Manchester City)

8. Cesc Fabregas (Arsenal & Chelsea)

7. Kevin De Bruyne (Chelsea & Manchester City)

6. David Silva (Manchester City)

5. Patrick Vieira (Arsenal & Manchester City)

4. Roy Keane (Manchester United & Nottingham Forest)

3. Frank Lampard (West Ham, Chelsea & Manchester City)

2. Steven Gerrard (Liverpool)

1. Paul Scholes (Manchester United)

Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

2 Fekradood

  1. Sax maaha .pual scholes intee jiray
    2004 marki xidiga aduunka isuso taggen
    Ee sadexd u galay Frank
    Ronaldinho
    Eto
    Frank.

  2. Adeer scholes cid dhexdii ugu wanaagsanayd ee premier league ku gaaraysa ma jirto Gerrard & lambard ba aabahood buu ahaa

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*