10kii Kooxood Ee Ugu Fiicnaa Waayahooda Ee Aan Ku Guuleysanin Champions League Oo La Magacaabay – Arsenal, Chelsea & Barcelona Oo Ka Soo Muuqday

Kooxdii Arsenal ee guuldarro la’aanta ku qaaday horyaalka Premier League ayaa loo magacaabay kooxdii ugu fiicneyd ee aan abid ku guuleysanin Champions League.

Advertisements

Tababaraha halyeeyga Arsene Wenger ayaa ku hogaamiyay Arsenal horyaalka Premier League iyadoo aan hal kulan laga badinin xilli ciyaareedkii 2003-04.

Si kastaba, kooxdaas wacdarraha ka dhigtay horyaalka Ingariiska waxay ku guuldareysatay inay qaado Champions League isla xilli ciyaareedkaas.

Waxaa Arsenal wareega sideed dhamaadka ku reebtay Chelsea oo lugtii hore ee Stamford Bridge ku soo qabatay barbaro 1-1 ah ka hor inta aysan kulankii garoonka Highbury ku badinin 2-1.

Advertisements

Majalada FourFourTwo ayaa qiimeyn ku sameysay kooxihii ugu fiicnaa ee aan ku guuleysanin Champions League iyadoo kooxdaas Arsenal ay ka hormartay kooxdii Chelsea ee Jose Mourinho ee xilli ciyaareedkii 2004-05.

Kooxdii Juventus ee wacdaraha dhigi jirtay intii u dhaxeysay 1996 ilaa 1999 ayaa kaalinta 3aad soo gashay halka Atletico Madrid oo final gaartay 2013-14 iyo 2015-16 ay kaalinta afaraad soo gashay, waxaa kaalinta shanaad soo galay kooxdii Valencia ee intii u dhaxeysay 1999 ilaa 2001.

Halkaan hoose ka eeg 10ka kooxood ee ugu fiicnaa waqtigooda ee aan ku guuleysanin Champions League:

10. Ajax (1995-97)

9. Juventus (2014-19)

8. Barcelona (1993-96)

7. Borussia Dortmund (2012-2013)

6. Inter Milan (1998-99)

5. Valencia (1999-2001)

4. Atletico Madrid (2013-14 iyo 2015-16)

3. Juventus (1996-99)

2. Chelsea (2004-05)

1. Arsenal (2003-04)

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*