10-kii Kabtan Ee Ugu Wanaagsanaa Taariikhda Horyaalka Premier League Oo La Shaaciyey

Advertisements

Waa kuma kabtankii ugu wanaagsanaa taariikhda horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League?

Su’aashan ayaa la hor dhigay labada khabiir ee Allan Shearer iyo Ian Wright, waxaanu mid walba soo xushay tobankii kabtan ee ugu wanaagsanaa ee soo maray horyaalka Ingiriiska.

Sannadihii ugu dambeeyey, waxa la xasuusan yahay doorkii hoggaaminaeed ee Johan Terry, Vincent Kompany, Tony Adams iyo sidoo kale Steven Gerrard, laakiin Wes Morgan oo Leicester City si layaab leh u hoggaamiyey, kana caawiyey inay ku guuleysato Premier League iyadoon cidina sii saadaalinin, waxa ku qoran yahay xusuus-qorka dhowaanta la diiwaangeliyey.

Manchester United oo ay soo mareen halyeeyo waaweyn, waxa doorkiisii hoggaamineed iyo hibadii maamul ee dabiiciga ahayd aan cidna lala barbar-dhigi karin Roy Keane, waana sababta uu labada liis ee labada halyeyba ugu jiro, kuwaas oo midkood uu kaalinta ugu horreysa kasoo galay.

Alan Shearer oo sannado badan usoo ciyaaray Newcastle United oo uu kabtan u ahaa, sidoo kalena xulka qaranka England ka mid ah ciyaartooyada ugu safashada badan, uu soo xushay toban kabtan oo uu isaguna ku jiro, waxaana safka sare isku xiga, John Terry, Roy Keane iyo Patrick Vierria, hase yeeshee isaga ayaa is-geliyey kaalinta ugu dambaysa ee tobnaa.

Akhriso, tobanka kabtan ee uu soo xushay Alan Shearar:

10. Alan Shearer

9. Wes Morgan

8. Nemanja Vidic

7. Jordan Henderson

6. Vincent Kompany

5. Tony Adams

4. Steven Gerrard

3. Patrick Vieira

2. Roy Keane

1. John Terry

Halyeyga Arsenal ee Ian Wright ayaa waxa uu isaguna lasoo baxay tobankiisa kabtan ee uu rumaysan yahay inay ugu fiicnaayeen Premier League, waxaana uu kaalinta koowaad soo geliyey Roy Keane, sidoo kalena waxa aanu ka tegin labada laacib ee ay isku kooxda ahaayeen ee Tony Adams iyo Patrick Vieira.

Akhriso, tobanka kabtan ee Ian Wright

10. Alan Shearer

9. Jordan Henderson

8. Nemanja Vidic

7. Wes Morgan

6. Patrick Vieira

5. Steven Gerrard

4. Vincent Kompany

3. Tony Adams

Advertisements

2. John Terry

1. Roy Keane

Comments are closed.