Ruben Amorim oo Garnacho u sheegay: “Waa inaad Ilaaheygaaga ka baridaa inaad hesho koox ku iibsata”
Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa la sheegay inuu si toos ah ugu sheegay xiddiga garabka ka ciyaara ee Alejandro Garnacho in uu raadsado koox cusub kadib guuldarradii ka soo gaartay Tottenham kulankii kama dambeysta ahaa ee UEFA Europa League.
Garnacho oo 20 jir ah, ayaa xilli ciyaareedkan dhaliyay 11 gool isagoo saftay 58 kulan dhammaan tartamada, balse waxa uu u muuqdaa mid aan qeyb ka noqon doonin qorshaha cusub ee Amorim maadaama uu doonayo in uu si weyn u beddelo kooxda.
Wararka ayaa sheegaya in hadalka tooska ah ee Amorim uu yahay calaamad cad oo muujinaysa in Manchester United ay wajaheyso isbeddel weyn kadib xilli ciyaareed xun oo ay ku dhameysteen kaalinta 15-aad ee Premier League, isla markaana ay ku fashilmeen iney usoo baxaan tartamada Yurub.
Kooxo ay ka mid yihiin Chelsea, Napoli, iyo Atletico Madrid ayaa hore u muujiyay xiisaha Garnacho, inkastoo wadahadalladii Napoli uu kula jiray ay burbureen maadaama uu dalbaday mushaar sare.
Iyadoo United ay isku diyaarinayso xagaaga isbeddello badan, mustaqbalka Garnacho weli waa mid mugdi ku jira.