SIR WEYN: Alan Shearer Oo Caddeeyay Kooxda Uu Ku Biirayo Viktor Gyökeres Xilli United Iyo Arsenal Ay Isku Heystaan Xiddiga

Halyeeyga kubadda cagta Ingiriiska ee Alan Shearer ayaa saadaaliyay in Viktor Gyokeres uu ku biiri doono Manchester United, xilli uu weeraryahanka reer Sweden wada-hadallo la yeeshay Arsenal iyo Man United.

Gyokeres ayaa la filayaa inuu noqdo mid ka mid ah xiddigaha ugu qiimaha badan suuqa kala iibsiga xagaagan, kaddib markii uu xilli ciyaareed cajiib ah la qaatay Sporting Lisbon, isagoo dhaliyay 54 gool dhammaan tartamada – taasoo ka dhigan in uu celcelis ahaan hal gool ka badan ciyaar walba dhaliyay.

Weeraryahankan 27-jirka ah ayaa sidoo kale xilli ciyaareedkii hore u dhaliyay kooxdiisa 43 gool, tan iyo markii uu kaga yimid kooxda Coventry City ee heerka labaad ee England sanadkii 2023.

United ayaa loo arkaa kuwa ugu cadcad saxiixa Gyokeres, tan iyo markii uu tababarihii Sporting ee Ruben Amorim loo magacaabay tababaraha cusub ee Old Trafford bishii November. Amorim ayaa doonaya inuu keeno weeraryahan cusub, kaddib xilli ciyaareed liitay oo ay sameeyeen Rasmus Hojlund iyo Joshua Zirkzee.

Inkastoo United aysan u soo bixin Champions League xilli ciyaareedka dambe, haddana waxay doonayaan inay ku guuleystaan tartanka loogu jiro Gyokeres.

Arsenal ayaa sidoo kale wadahadallo la yeelatay wakiillada Gyokeres toddobaadkan, iyadoo tababare Mikel Arteta uu si cad u dalbaday weeraryahan cusub, si uu u xoojiyo weerarka kooxda.

Si kastaba, Alan Shearer ayaa rumeysan in Gyokeres uu u wareegi doono Manchester United, isagoo u arka in xiriirka uu la leeyahay tababare Amorim uu xoojin doono fursaddaas.

Arsenal haddii ay heli waayaan Gyokeres, waxaa la sheegayaa inay u jeesan doonaan Benjamin Sesko oo ka tirsan RB Leipzig.

Gyokeres ayaa noqon kara saxiixii saddexaad ee uu sameeyo Amorim xagaagan, kaddib markii uu hore ula soo saxiixday Matheus Cunha (£62.5m oo kaga yimid Wolves) iyo Bryan Mbeumo oo weli wadahadallo kula jira Brentford.

Alan Shearer ayaa sidoo kale sheegay in Manchester United ay u baahan tahay “dib-u-habayn weyn” oo dhanka ciyaartoyda ah, isagoo yiri:

“Waxaa jiray saxiixyo cusub sida Cunha, waxaana la filayaa in isbeddel weyn lagu sameeyo kooxda labada bilood ee soo socda – ciyaartoy badan ayaa laga saari doonaa, waxaana lagu beddeli doonaa kuwo cusub si kooxda loo cusbooneysiiyo.”

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football