SIR CULUS: Lionel Messi Wuu Iga Fiican Yahay Laakiin Igama Qurux Badna – Sirta Ugu Miisaanka Culus Ee Laga Hayo Cristiano Ronaldo & Cidii Uu U Sheegay Inuu Messi Ka Fiican Yahay!!.

Xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa ah kuwo saaxada ugu sarreysa ee kubadda cagta kusoo loolamayay ugu yaraan wax ka badan 10 sano iyagoo magacyadoodu yihiin kuwo ay adagtahay sida ay ku kala hadhaan oo inta badan lawada xuso.

Waxa maalinba maalinta xigta kubadda cagta caalamka kasoo baxa warar sir ah waxaana aanu haatan idiin soo gudbin doonaa wax lagu sifeeyay xogta ugu culus ee Ronaldo laga hayo marka ay noqoto wax ka sheegay Messi.

Ronaldo ayaa ahaa mid asxaabtiisa Manchester United la wadaaga siro badan waxaana kamid ah inuu ugu jawaabay mar ay la kaftameen inuu Messi ka wanaagsan yahay haa sida uu ka sheekaynayo Peter Crouch oo hadalka kasoo xiganaya Rio Ferdinand oo ay CR7 Man United ka wada qayb ahaayeen.

Crouch ayaa buug uu qoray kaga faaloonaya in Ferdinand uu la wadaagay sirtan mar ay kuwada sugnaayeen xulka qaranka England.

Xiddigaha Red Devils ee ay qolka labiska soo wadaageen Ronaldo ayaa u sheegi jiray iyaga oo dhiirigelin ahaan kawada in Messi isaga ka fiican yahay balse Kabtanka Portugal ayaa ku fal-celin jiray inay taasi suurogal tahay laakiin Messi uusan isaga ka qurxoonayn.

Peter Crouch ayaa yidhi “Rio Ferdinand ayaa noo sheegi jiray sheekooyin ku saabsan sida uu Cristiano Ronaldo u hor istaagi jiray muraayada horteeda isaga oo feedho qaawan, Isaga oo gacantiisa dhex marinaya timahiisa oo odhanaya ‘Wow, Aad ayaan u qurxoonahay”

“Xiddigaha kale ee United ayaa isku dayi jiray inay ka jiidhaan iyaga oo leh ‘Si kastaba, Leo Messi waa ciyaartoy adiga kaa wanaagsan”

“Timahiisa ayuu ruxi jiray isaga oo dhoola-cadeynaya, ‘ Ah, Haa, Laakiin isagu sidan uma eka…”

Si kastaba ha ahaatee, Labadan xiddig ayaa ah kuwo ay adagtahay sida lagu kala saaro isla markaana haatan lagu xusho midka wanaagsan maadaama ay inta badan aad iskugu dhaw yihiin abaalmarinaha shaqsiga ah ee ay kusoo kala guuleysteen.

9 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. messi waa ciyaar yahan aduunka ugu wanagsan taasi shaki kuma jirto waxwalbana waxaa lagu gooamiyaa garoonka dhexdiisa 500 goal markuu kuu dabaal degayey messi ronaldo wajigiisa waxaa kaa muuqatay niyad jab iyo murugo wuxuu real kaga tagayna waa midaas wuxuu ogaadey la liga iney messi iska lee yahay

  2. War wax laydin ka faaido la imaada meesha waxad doontaan hasoo qorine waadba ka sii dareesan mayee wuu iga cadyahay

  3. Talo fiican baan kusiinayaa hadaadan wax miisaaman qorayn waxba hasoo qorin dadkana ha nacsiin webebka somalida kalana xishood waxyaalaha qaaar

Comments are closed.