Siduu Saddex Jeer Hogaanka Premier league Isku Badali Doonaa Barri Oo Axad Ah? Liverpool, Chelsea Iyo Man City Oo Wada Hogaamiyaal Noqon Kara.

Kooxaha shanta ah ee horyaalka Premier League ugu waa wayn ayaa hal maalin wada ciyaari doona kulamadooda Premier League waxaana markii ugu horaysay xili ciyaareedkan si buuxda loo meel marin doonaa magaca Sky Sports ee “Super Sunday’ oo ah mid u qalma magacan.

Laakiin hogaanka Premier league ayaa saddex jeer isbadali kara barri oo axad ah haddii ay qaabka ugu suurtogalsan natiijooyinka kooxaha waa wayni noqdaan iyada oo Liverpool, Chelsea iyo Manchester City ay wada hogaamiyaal noqon karaan.

Liverpool ayaa ugu horayn noqon karta hogaamiyaasha Premier league haddii ay guul ka gaadho kooxda Fulham kulanka Anfield ka dhici doona waqtiga xili qadaha England ee 12:00 oo ku beegan 3:00 galabnimo ee saacada Geeska Afrika.

Haddii ay Liverpool sii guulaysato kulankeeda Fulham ee Anfield waxay sii qaban doontaa hogaanka premier league iyada oo ka sii sare mari doonta kooxaha Man City iyo Chelsea laakiin hogaankeedu waxa uu noqon karaa mid markiiba hoo u soo dhici kara.

Kadib Chelsea ayaa soo dhawayn doonta kooxda Everton waana kulan la ciyaari doono 14:15 ee waqtiga London oo ku beegan 5:15 galabnimo ee saacada Geeska afrika balse haddii ay Blues badiso waxay Liverpool kala wareegi doontaa hogaanka Premier league.

Ugu danbayn waxaa la soo gaadhi doonaa waqtiga todobaadka 12 aad ee Premier league ugu xamaasada badan ee kulanka Manchester Derby kaas oo ay Sky Blues tahay kooxda ugu cad cad ee guusha loo saadaalinayo.

Haddii ay sida daasaasho tahay u dhacdo waxay markale Manchester City kooxda Chelsea ka soo ceshan doontaa hogaaminta Premier League waxayna arintani muujinaysaa xamaasada iyo sida saddexda kooxood ee Man City, Liverpool iyo Chelsea ay wali lugaha iyo madaxa iskula jiraan.

Haddii ay Liverpool, Chelsea iyo Man City midkood, laba ama saddexduba dhibco lumiyaan waxay noqon kartaa xaalad kale oo qiimaynteeda yeelan doonta halka haddii ay wada guulaystaan ay xaaladu sida ay hadda tahay sii ahaan doonto.