Sidee Ayuu Pep Guardiola Shaqada Tababaranimo Ee Barcelona Ugu Garaacay Jose Mourinho Isagoo Aan Laheyn Tixraac Lagu Doorto?

Axadda waxaa markii 22-aad is gacan qaadi doona Pep Guardiola & Jose Mourinho marka laga hadlo waayahooda tababaranimo iyo kulamada ay is wajaheen, laga soo bilaabo Inter Milan ilaa Real Madrid, ama laga soo bilaabo Barcelona ilaa Manchester.

Labadaan macalin waa kuwa ku guuleystay wax badan koobabka ay u tartameen, balse waxaa jira xifaaltan adag oo toban jirsaday, balse xiriirka ka dhaxeeya waa mid wanaagsan labada macalin marka laga hado xirfadlenimadooda.

Waxaa lasoo bandhigay habkii uu Pep Guardiola ugu garaacay Jose Mouriho shaqada Barcelona iyadoo macalinka reer Spain uusan laheyn tixraac lagu doorto looguna dhiibo xilka kooxda ugu weyn gobolka Catalonia.

2008 waxey aheyd fasal ciyaareedkii labaad oo uusan wax koob ah u qaadin Barcelona tababarahii reer Holland Frank Rijkaard, maamulka ayaana go’aan ku gaaray iney intaas ku filan tahay isla markaana aysan wax fursad kale ah siinin.

Laba shaqsi ayaa lala xiriiriyay Barcelona waxeyna kala ahaayeen Jose Mourinho iyo Pep Guardiola, waxaana saxaafadda ay u badineysay Mourinho kaas oo horay uga soo shaqeeyay Camp Nou sidoo kalana guulo ku gaaray kubadda cagta waqtiyadiisii ugu dambeeyay, wax koox ahna ma heynin wakhtigaas maadaama uu sanadkii ka horeeyay ka tagay Chelsea, halka Guardiola uu kaliya maamulay kooxda Barcelona B.

“Si tartiib ah hadana joogto ah, waxaan qaadnay waddo qaldan” ayuu yiri Eidur Gudjohnsen, “Fasalkii labaad waan joogay, Rijkaard ayaana joogay wali, waxey ila tahay waa mid ka mid ah kuwii ugu xumaa ee soo maray taariikhda Barcelona maadaama aan ku dhameysanay saddexaad”

Madaxweyne ku xigeenkii hore Barcelona Marc Ingla ayaa isna ka hadlay awoodda Mourinho ee wakhtigaas: “Mourinho waa guuleyste, waxaan dareemay inuu yahay dooqa badbaadada, sababtoo ah wuxuu lahaa magac weyn, wuxuu dhawaan tababaray Chelsea, suuqa ayuuna yaalay (La heli karay)”

Barcelona waxey la kulantay Mourinho wuxuuna usoo bandhigay sida uu shaxda 4-3-3 ugu shaqeyn karo isagoo adeegsaday barnaamij bandhigeedka (Microsoft) ee PowerPoint, sidoo kalana wuxuu ka mid ahaa shaqaalahii la shaqeynayay Louis Van Gaal.

“Mourinho wax badan ayuu na caawiyay, waxaan aheyn ciyaartoyda yar yar ee La Masia, Louis Van Gaal ayaana usoo diray inuu tababar siiyo Barca B” ayuu yri kabtankii hore kooxda Xavi oo ka hadlayay Take the Ball Pass the Ball oo ah filim cusub oo Barcelona-dii Guardiola laga diyaariyay.

Xavi wuxuu aaminsan yahay in Jose Mourinho markii uu qabtay xilka tababaranimo ee Chelsea uu isbadalay isla markaana uu qaabkiisii dhan ka guuray, wuxuuna ka arkay wakhtigiisii Camp Nou inuu ahaa qof jecel in wax badan la ordo kubaddana la heysto.

Xavi wuxuu banaanka soo dhigay in qaar ka mid ah maamulka Barcelona ay aad u doonayeen inuu Mourinho leyliyo kooxda, sidoo kalana waddo dheer loo maray in la magacaabo Pep Guardiola.

“Waxey aheyd hawl dheer sababtoo ah qaar ka mid ah maamulka ayaa doonayay Jose” ayuu yiri madaxweynahii hore kooxda Barcelona Joan Laporta: “Waxey ku doodeen in loo baahan yahay tababare si dhaqso leh natiijooyka ku heli kara”

Si kastaba gabagabadii waxey kuso aruurtay in la aamino falsafaddii Johan Cruyff oo lagu ogaa Pep Guardiola, “Waxaan dooneynay inaan aamino falsafadii Johan Cruyff” ayuu yiri mar kale Laporte.

“Waxaan weydiiyay agaasimayaasha hadii Guardiola uu diyaar yahay, Txiki Begiristain iyo Johan ayaana ii sheegay inuu diyaar yahay” ayuu yiri Laporte.

“Wakiilka Mourinho (Jorge Mendes) ayaa isoo wacay wuxuuna i weydiiyay ma waxaad dooneysaa inaad magacowdo Mourinho, sababtoo hadii aad xiiseyneyso waan wada hadleynaa, waxaana u ku iri: “Maya” waxaan dooranay Pep” ayuu yiri Laporte.

Ugu dambeyntii Laporte wuxuu yiri: “Waxaan u sheegay Pep inuu noqonayo macalinka xiga ee kooxda, waxaan ku jirnay wakhti qado, wuxuuna igu yiri: “Hadii aad ii magacowdo tababaraha kooxda waxaan adiga dartaa u qaadi doonaa wax walba” daacadii sidaas ayuu igu yiri”