Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Derby d’Italia Ee Juventus v Inter – CR7 Iyo Dybala Oo Ka Horimaanaya Icardi Iyo Perisic

Cristiano Ronaldo iyo  Paulo Dybala ayaa ka horimaanaya Mauro Icardi iyo Ivan Perisic kulanka Derby d’Italia ee u dhaxeeya kooxaha Juventus iyo Inter Milan.

Ciyaartaan ayaa bilaabaneysa 10:30pm Saacada geeska Afrika iyadoo ciyaarta ay ka dhici doonto garoonka Juventus Stadium ee magaalada Turin.

Kooxda hogaanka u heysa horyaalka Serie A ayaa rajeyneysa inay ka sii fogaato kooxaha kale oo ay ku jirto kooxda kaalinta seddexaad ee Inter, welina lagama badinin horyaalka iyagoo dhibco dhumiyay kaliya kulankii Genao.

Sami Khedira, Alex Sandro iyo Andrea Barzagli ayaa ka maqan Juve laakiin Emre Can ayaa kursiga keydka soo fariistay markii ugu horeysay tan iyo markii qaliin lagu sameeyay.

Rodrigo Bentancur ayaa mar kale khadka dhexe ka soo muuqday inkastoo Miralem Pjanic uu soo laabtay halka Dybala, Mario Mandzukic iyo Cristiano Ronaldo ay weerarka hogaaminayaan.

Joao Cancelo ayaa wajahaya kooxdiisa hore iyadoo isaga iyo Mattia De Sciglio ay garbaha daafaca ka dheelayaan.

Inter ayaa u baahan inay wadada guusha ku soo laabato ka dib markii ay natiijooyin xun la kulmeen dhawaan oo ay ugu danbeysay kulankii ay guuldarada ka soo gaartay Tottenham ee Champions League.

Radja Nainggolan iyo Dalbert ayaa weli dhaawacyo qaba ka dib markii ay seegeen kulankii barbaraha 2-2 ay la galeen Roma.

Luciano Spalletti ayaa isbedelo qaar sameeyay iyadoo Sime Vrsaljko uu ka soo laabtay dhaawac isagoo bedelay Danilo D’Ambrosio, halka Joe Miranda laga doortay Stefan de Vrij madaama uu ka xoogan yahay.

Roberto Gagliardini ayaa si lama filaan ah loogu magacaabay khadka dhexe isagoo Matias Vecino u diray kursiga keydka.

SHAXDA RASMIGA AH:

Juventus: Szczesny; De Sciglio, Bonucci, Chiellini, Cancelo; Bentancur, Pjanic, Matuidi; Dybala, Mandzukic, Ronaldo

Keyd: Perin, Pinsoglio, Benatia, Douglas Costa, Cuadrado, Emre Can, Rugani, Bernardeschi, Spinazzola

Inter: Handanovic; Vrsaljko, Skriniar, Miranda, Asamoah; Gagliardini, Brozovic, Joao Mario; Politano, Icardi, Perisic

Keyd: Padelli, De Vrij, Vecino, Lautaro Martinez, Keita, Ranocchia, Borja Valero, D’Ambrosio, Candreva

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. Guusha waxaa hanan doonta jevuntus wxyna ku badin dontaa zadex halgooloo rikoodhe ah hal oo uu ronaldo dhalin doono hal cadi uu udhalindono ronaldo iyo hal mandzukic

Comments are closed.