Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Chelsea v Manchester City – Labada Kooxood Oo Bilaa Weeraryahano Ah Kulankan & Go’aanada Sarri Iyo Pep Oo Isku Ekaaday

Kooxda Chelsea ayaa dhigeeda Manchester City kusoo dhawaynaysa garoonkeeda Stamford Bridge kulanka ugu xiisaha badan horyaalka Premier League toddobaadkan.

Kulankan ay is arki doonaan kooxaha Maurizio Sarri iyo Pep Guardiola ayaa imaya xilli labada dhinac ay u dhaxeeyaan dhibco toban dhibcood ah, City ayaa doonaysa guul ay dib ugu soo ceshato hoggaanka oo ay Liverpool goor dhawayd qabatay halka Chelsea ay guul u doonayso si ay hamigeeda usoo noolayso.

Labada tababare ayaa kulankan qaatay go’aano isku mid ah maadaama oo labaduba ay keydka dhigeen weeraryahanada kooxahooda isla markaana xiddigo garbaha ka ciyaara ka dheelisiiyeen weerarka dhexe.

Sarri ayaa weerarkiisa dhexe u diiday Giroud oo keydka fadhiya halka Morata uu kulankan seegay, Dhinaca kale Guardiola ayaa keydka u dhaadhiciyay Jesus halka Aguero uu kulanka seegayo si lamid ah Morata

Shaxaha Labada Kooxood Ee Kulankan:

Chelsea: Kepa, Luiz, Rudiger, Alonso, Azpilicueta, Kante, Kovacic, Jorginho, Hazard, Willian, Pedro

Keydka: Caballero, Christensen, Emerson, Fabregas, Barkley, Loftus-Cheek, Giroud

Manchester City: Ederson, Walker, Stones, Laporte, Delph, Bernardo, Fernandinho, Silva, Sterling, Sane, Mahrez

Keydka: Muric, Danilo, Kompany, Otamendi, Gundogan, Jesus, Foden