Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Catalan Derby Ee Espanyol Vs Barcelona-Ayuu Valverde U Soo Xushay Kulankan Muhiimka Ah?

Barcelona ayaa marti u ah kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Espanyol oo xili ciyaareedkan xaalad fiican ku soo jirtay. Valverde ayaa ciyaartoyda kooxdiisa ka doonaya in ay heerka ugu fiican ku jiraan haddii ay doonayaan in ay guul ka soo gaadhaan Espanyol.

Ernesto Valverde ayaa goolkiisa sidii looga bartay ku soo bilaabay Ter Stegen waxaana afarta difaaca ah ku wada jira Gerard Pique, Clement Lenglet, Jordi Alba iyo Nelson Semedo iyada oo Samuel Umtiti uu wali sii maqan yahay.

Dhinaca khadka dhexe waxaa markale ku soo wada bilawday Sergio Busqeuts, Ivan Rakatic iyo Arturo Vidal oo ku raaxaysanaya fursada uu ka helay dhaawicii Arthur Melo.

Lius Suarez ayaa shaxda Barcelona ku soo laabtay kadib markii uu ka soo kabsaday dhaawac uu kulamadii ugu danbeeyay ku seegay wuxuuna ka garab ciyaari doonaa Ousmane Dembele oo bandhigii cajiibka ahaa ee uu soo sameeyay booskiisa ku sii adkaystay iyo Lionel Messi.

Coutinho oo kulamadii ugu danbeeyay bandhig liita soo sameeyay ayaa kaydka la dhigay laakiin marka laga reebo Coutinho, ma jiro xidig kale oo muhiim ah oo uu Valverde kaydka ku haysto si uu wax ugu badalo.

Shaxda Rasmiga Ah Ee Espanyol Vs Barcelona.

Espanyol: Diego López; Javi López, David López, Duarte, Didac Vilà; Hernán Pérez, Melendo, Víctor Sánchez, Roca, Darder; Borja Iglesias.

Barcelona: Ter Stegen, Gerard Pique, Clement Lenglet, Jordi Alba, Nelson Semedo, Sergio Busqeuts, Ivan Rakatic, Arturo Vidal, Ousmane Dembele, Lionel Messi, Luis Suarez

Kaydka: Cillessen, Vermaelen, Miranda, Denis Suárez, Aleñá, Coutinho and Munir