Shaxda Macquulka Ah Ee Ay Man City Kala Hortagi Karto Chelsea Berri: Sterling Oo Soo Laabtay Laakiin Aguero Ma Ciyaari Doonaa?

Sergio Aguero ayaa shaki uu ku jiraan taam ahaanshihiisa kulanka ay Manchester City u safreyso Chelsea isagoo weli la dhibtoonaya dhaawac muruqa ah.

Xiddiga reer Argentina ayaa seegay labadii kulan ee ay ka badiyeen kooxaha Bournemouth iyo Watford ka dib markii loo nasasiiyay daal dartiis balse markii danbe la sheegay inuu ku dhaawacmay tababarka.

Tababaraha Man City Pep Guardiola ayaan weli wax war ah ka soo saarin xiddigihiisa iyadoo Gabriel Jesus uu afka hore ka ciyaarayay intii uu maqnaa Aguero.

30 jirka Aguero ayaa la rumeysan yahay inuu maray baaritaano si loo ogaado inuu ciyaari karo kulanka Chelsea iyadoo dhaawaca ceynkaas oo kale ah uu ciyaaryahan ku maqnaado muddo labo isbuuc ah.

Vincent Kompany ayaa isna shaki uu ku jiraa taam ahaanshihiisa ka dib markii la bedelay intii ay socotay kulankii ay 2-1 kaga badiyeen Watford, inkastoo aysanba u badneyn inuu ku soo bilowdo kulanka Blues madaama John Stones iyo Aymeric Laporte ay yihiin daafacyada dhexe ee dooqa koowaad.

Benjamin Mendy ayaa isna dhaawac ah ka dib qaliin jilibka looga sameeyay sidaasi darteed Fabian Delph ayaa booska daafaca bidix kula tartami doona Oleksandr Zinchenko, inkastoo xiddiga reer Ukraine uu weli ka soo kabsanayo jab ka soo gaaray sanka.

Guardiola ayaa la filayaa inuu seddexda khadka dhexe sidiisa ku haayo oo uu soo doorto Bernando Silva, David Silva iyo Fernandinho.

Shaxda Macquulka Ah Ee Man City Kala Hortagi Karto Chelsea:

(4-3-3): Ederson; Walker, Stones, Laporte, Delph; Fernandinho, B. Silva, D. Silva; Sane, Sterling, Jesus